Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sheeko xiiso leh oo dhex martay macallimad iyo ardaygeedii.

$
0
0

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haweeney macalimad ahi is dhextaagtay ardaydii ay wax u dhigeysey oo fasalka Shanaad ku jirta, wayna salaantay iyada oo ku leh, ” waan idin jeclahay dhamaantiin”, iyada oo isha ka dad-baysa ama ka duweysa Hal Wiil oo lagu magacaabo Ahmed.

 

Wiilkaasi dharkiisu had iyo jeer waa wasakhaysan yihiin, usgag ayaa ka muuqda, aqoontiisa waxbarasho aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeerna isaga ayaa isku maqan oo wuu fakerayaa, xukunkan ay macalimaddu wiilkan dusha ka saartay ee ay u aragto wiil aad u liita waa aragti ay ka dhaxashay muddadii ay wax u dhigaysay, sababtoo ah had iyo jeer lama ciyaaro ardayda, muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo jeerna musqusha ama suuliga ayuu u cararaa.

 

Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimaddu kuba raaxaysataa marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso qalinka cas iyo isku talaabta ayey u badisaa, waxayna ugu qortaa wuu dhacay warqad kasta.
Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannaddadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sannadkii uu ku jiray fasalka koowaad, iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday oo lama filaan ku noqotay!
Macalinkiisii sannadkii koowaad waxa uu Ahmed ka qoray, in uu Ahmed yahay wiil caqli badan, oo dadaala, hiba Ilaahay siiyey, shaqada loo diro si wanaagsan u qabta, si wanaagsan u habeeya casharada. Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin odhanaysa; Ahmed waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibbadii, hase yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.

 

 

Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray, ” Ahmed geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag, wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaam siiya, xaaladda gurigooda ama aqalkooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa, haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah”.

 

 

Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. ” Ahmed waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya, wax niyad ah uma hayo waxbarashada, saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh, wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax la baranayo“.

 

 

Halkaa markay warbixinihii ay macallimaddu akhriyeysey la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka,wayna isku khajishay ama isku xishootey oo is canaanatay.
Xaalku macallimada wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay hadiyado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen, marka laga reebo wiilka Ahmed, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee dukaammadu dadka adeega ugu laabaan macaamiisha. Arrintaasi macallimaddii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Ahmed iyo hadiyadiisa foosha xun, hadiyada Ahmed waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la sudho iyo quraarad ama dhalo cadar ah oo kala baran ama aan buuxin.

 

 

Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macallimaddii hadiyaddii ka guddoontay Ahmed , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, si diiranna ugu mahad celisay, kadibna silsiladii yarayd ayey markiiba xidhatay, cadarkiina way isku shubtay, ”buufisay”.Wixii maalintaas ka danbeeyey Ahmed marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimaddiisu soo baxayso, maalintii danbe ayuu ku yiri, “Maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa”,  Markii uu intaas ku yiri macalimaddii oohin ayaa indhaheeda ilmo ka soo daadatay, waayo Ahmed wuxuu u sheegay in Cadarkii kala badhka ahaa ee uu hadiyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jirtay, meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray, sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.

 

 

Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxa ay guda gashay in ay aad u daryeesho Ahmed, wuxuuna bilaabay Ahmed in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sannad dugsiyeedkii markuu dhammaaday Ahmed wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada sarreysay.
Ahmed sannad dugsiyeedkii markuu dhammaaday wuxuu u qoray macallimaddiisii warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macallimaddii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray, waxayna macallimaddiisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay, waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macallimad wanaagsan, oo  aan ku egaan uun waxbarista ee weliba daryeesha aradayda.

 

 

Ahmed muu illaawin macallimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.
Muddo ka dib oo sannaddo badani ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Ahmed oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.

 

 

Macalimadii iyada oo ku labisan hadiyadii silsiladii yarayd ee Ahmed u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Ahmed.
Ahmed wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka, oo ah cudurkii hooyadii u dhimatay.
Tolow imisa arday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed.Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qof kasta oo bare ah, ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.

 

 

Waa dhanbaal ku socda waalidka iyo macalllinka oo tilmaamaysa in uu ilmihiisa/ardaygiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo.

 

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images