Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wax garadka reer Awdal iyo aqoon yahankiisu siday u arkaan heshiiska Somaliland iyo Khaatumo?

$
0
0

Marka hoos loogu daadego xaqiiqada iyo nuxurka heshiiska weli warqadda ku qoray, hor dhacana ah, ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo, ee uu Dr. Ali Khalif dabada ka riixayo, Faysal Ali Waraabena dillaalka ka yahay, waxan u kala qaadi karraa saddex qaybood:

 

  1. In la isku khayaamaynayo, oo qolaba qolada kale ku raalli gelinayso arrimaha ay wataan. Si ay u kala danaystaan.
  2. In heshiisku yahay mid ganacsi, oo run iyo been midka ay tahayba wax la kala iibsanayo.
  3. In wakhtiga adag ee ay Somaliland gashay amma Khaatumo ay gashay, dadka sheeko looga dhigayo heshiiskani maqaar saarka ah, siyaasado kalena ay hoosta ka socdaan.

 

  • Waa ta horee, sheekada heshiiska ee la wareejinayaa uma ega mid fahamkeedu cad yahay, waxana hoosta kaga laban, is raalli gelin iyo is dhawris been been u eg, oo ay labada qoloba hoos isu gaabinayaan. Weliba Somaliland ay dhulka isku dhigayso kooxda Dr. Ali Khalif ee martida u ah, taasi oo markhaatigeedu yahay sida ay u dhagaha ugu raaricinayso hadallada qallafsan iyo dhaleecaynta sida badheedhka ah ay kooxda Khaatumo madaxa ugaga garaacayaan dhinaca Somaliland iyo weliba gaar ahaan beesha dhexe.

 

Iyada oo ay Khaatumo kooxdeedu mararka qaar muujinayaan in ay weligoodba Somaliland ahaayeen, balse ay saami qaybsiga uun ka biyo diideen. Sidaasi daraaddeedna, halkii ay xeedhada dhinac ka soo fadhiisan lahaayeen, ay door bideen in ay dagaallamaan. Taasina dib u dhaca u horseedday.

 

 

Kooxda Faysal hor kacayo, ee wada hadalka u matalaysa Somalilandna, waxa ay mar walba si jees jees ah uga markhaati kacayaan in beelaha Dhulbahante la dulmiyey, oo ay immiga diyaar u yihiin in ay gogosha uga kacaan. Oo ay weliba diyaar u yihiin in dastuurka la furo, xataa magaca Somaliland la beddelo….waa arrin qosol leh!

 

 

Hummaagyada noocaasi ah marka ay reer Awdal weyneyso ku eegeen, waxa u soo baxay in aanay weli beelaha Somaliland dib u heshiisiin dhab ah wada gelin. Maamulkan Somaliland ee jiraana uu xal uun ku salaysnaa illaa xilligii bilawgii, welina ay beelaha darifyadu si mug leh uga maqan yihiin haykallada maamulka Somaliland. Taasina ay carqalad ku tahay aqoonsiga iyo siyaasad xumada ay beesha caalamku ku baratay Somaliland.

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa heshiiskani si miisaaman ula socda waxgaradka iyo aqoon yahanka reer Awdal, oo hore uga soo daalay cabasho iyo in la saxo saami qaybsiga Somaliland. Illaa iyo immigana aan mawqif gurracan ka qaadan sidii caddaaladda maamul iyo wax wada lahaanshaha Somaliland xal loogu heli lahaa. Qoraalladii iyo dacwadihii ay siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Awdal ay muddooyin badan iska daba qoreenna waxa ay faylashoodii ku dhex gaboobeen Madaxtooyada Somaliland.

 

 

Aragti mid ah ayeyna reer Awdal ka qabaan wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo, waxase ay mar walba ku faraxsan yihiin in ay reer Khaatumo ku soo biiraan miiska wada hadalka iyo dib u heshiinta Somaliland. Si loo saxo wixii hore u qaldamay, oo ay beelaha darifyadu si isku mid ah u wada dhalliilayaan Somaliland maamulkooda.

 

Laakiin sida ay dadka qaar u haystaan, reer Awdal kama xuma in ay Khaatumo miiska wada hadalka la timaaddo sidii ay ka qabiil ahaan uun woxooda u heli lahaayeen, balse waxa ay u arkaan in ay Khaatumo raadinayso, maamul caadil ah, oo dadka wada gaadha. Sida loo qaybsanayaana ay tahay mid ku salaysan hannaanka demoqraaddiga ah.

 

  • Qodobka labaad, waa iska mafhuum, oo waxa heshiiskani salka ku hayn karaa, sidii loo qaybsan lahaa deeqaha caalamku bixiyo, oo meelaha qaar ka ribbaday, ammaba la joojiyey. Laakiin haddii heshiis dhaco ay suurta gal tahay in loo furo.

 

  • Qodobka saddexaad oo ay dad badani u arkaan, u been guuris ay xukuumadda Siilaanyo u been guurayso shacabka, oo laga leexinayo, xaaladaha cakiran ee dalkii xilligan marayo. Sida abaaraha, doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan daba-yaaqda sannadka iyo wax la mid ah.

 

Waana xaalad ay siyaasaddu mari karto, oo ay xukuumadaha caalamku sameeyaan, laakiin aanay marnaba shacabku dareenkeeda qabin. Weliba iyada oo kaabka lagu hayo xilligii doorashada xisbiyada, ayaa waxa la yaab leh in uu guddoomiyaha Xisbiga UCID, oo laga rabay in uu xisbigiisa u ololeeyaa uu wakhtigiisa isaga qaado, ka odayeynta heshiis ma dhalays ah, oo wakhti dheer qaadanaya.

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa waxgaradka reer Awdal sugayaan sida wada hadalkani ay dibadda ka joogaan uu nabad iyo ictiraaf ugu soo dabbaali doono Somaliland.

 

Awdalpress

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images