Maalintii labaad ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyo qeybo ka tirsan gobollad dalka waxa ka maqan adeegga Internetka. Arrintaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya si faahfaahsan uga war-bixisay sababta keentay.
Agaasimaha wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta dalka Axmed Xaajir Cabdi oo u waramay xafiiska Hiiraan Online ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in inta badan adeegyada Internetka ee magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka laga maamulo hal meel oo keliya, marka laga reebo shirkado yar oo uu sheegay in ay isticmaalaan Satelite kuwaa oo xusay in aysan awood badan lahayn, taana ay keentay buu yiri in marka cillad dhacdo guud ahaan dalka uu internetka ka go’o.
“Internetkii dalka wuxuu soo dhexmarayay badda, waxaa jaray Markab, annaga waxaan ogaanay habeenkii ciidda, xafiisyada dowladda oo dhan waan u wada sheegnay,” ayuu agaasimuhu hadalkiisii raaciyay.
Agaasimaha Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo lagu xalinayo cilladda dhinaca Internetka ee ka jirta dalka, isagoo intaa ku daray in laga yaabo in mudo todobo maalmood ah uu Internetka ka maqnaado Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka.
Waxa uu sheegay in Internetka ugu awoodda badan ee laga isticmaalo dalka uu keeno Hal Cable oo keliya isagoo yiri; “Internet la’aantu waxay qeexeeysaa in dalku uu hal Cable keliya isticmaalo, taa oo keeni karta dhibaato.”
Adeegyada Internetka ee ka maqan Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka ayaa siweyn u sameeyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sida kuwa Onlineka iyo Tv-yada, ayadoo ay xusid mudantahay in lagu gudo jiro maalmihii ciidda ayna sidoo kale tahay todobaadkii xoriyadda ee dalka, islamarkaana warbaahintu diyaar garow ugu jirtay in ay sameeyso barnaamijyo xiisa geliya bulshada.
Sidoo kale internet la’aanta ayaa saameeyn ku yeelatay shirkadaha xawilaadaha dalka ee ay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ehelladooda lacagaha ugu soo diri jireen.
HOL






