Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Donald Trump ayaa ku gacan saydhay in uu maalintii Iidda la cunteeyo Muslimiinta.

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jabiyay ama dhinac maray caado muddo 20 sano soo jirtay, kadib markii uu diiday inuu martigeliyo casho sharafeed ay Madaxweynayaasha  munaasabadda Ciidda oo ay Madaxweynayaasha Maraykanku qaban jireen.

Aqalka Cad ayaa martigelin jiray munaasabaddan sanad kaste tan illaa iyo markii uu Clinton  madaxweynaha ahaa.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Rex Tillerson, oo wasaaraddiisa lagu waday inay qabanqaabiso xafladdan ayaa diidday, isagoon sharraxaad ka bixinin.

Bishii May, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ku warrantay in Mr Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in sidii caadada ahayd cashada Ciidul Fitriga la qabto sannadkan.

Mr Trump ayaa horay loogu dhalliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihiisa doorashada sida inuu ku baaqay in basaasid lagu sameeya masaajidada Muslimiinta.

Former US President Barack Obama hosts the annual Iftar dinner celebrating the Muslim holy month of Ramadan in the East Room of the White House July 22, 2015Seddaxdii madaxweyne ee ka horreysay Trump ayaa xafladan qaban jiray sanad walba. Sawirkan waa cashadii uu Trump Muslimiinta u qabtay sanaddii 2015.

Cashada habeenka Ciidda ee Aqalka Cad uu qaban jiray ayaa soo jirtay tan iyo sanaddii 1999, waxaana ka soo qeybgali jiray hogaamiyayaasha Muslimiinta caanka ah ee Mareykanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Hase yeeshaa Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ugu hambalyeeyay Muslimiinta u dabbaaldageysa Ciidda. Waxa uu sheegay in munaasabadani ay xasuusineyso ahmiyadda naxariista iyo samafalka.

 

Qoraalkan oo aan ka soo qaadannay BBC da boggeeda laanta Afka Somaliga ayaa qalad badani ku jiray, kadibna waxan isku daynay in aan qoraalka aan saxno.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images