Qaybtii 2aad ee sheekadan, waxa isugu keen danbeysey Maryan oo aabbeheed ku leh, “Xaalkaagana illaa yaraantaydii ayaan la socdaa. Oo noloshaada waxa aad u dullaysey sidii aad noo korin lahayd. Xataa waxa aan ogahay in aanad marnaba awoodin in aad hooyadaa u dirto 100 doller. Halka ay hooyaday bil walba lacago u dirto hooyadeed iyo abtiyaday…..Aabbe adiga ayaa shaqeeya, hooyo ma shaqayso, lacagta ay dawladdu innagu kabtaana waa mid aan ka qoys ahaan leenahay. Maamulkeedana lagaama xigo. Balse, buuqa hooyo iyo kulaylkeeda ayaad wax walba gacanta uga saartay. Maantase anaa ku garab jooga, hooyadayna dulmiyi maayo, weliba waan caawin, oo xaqeeda waan marin. Walaalahay waxa ay tabayaan iyo baahidoodana waan kula garab geli. Ee farxaddaa iyo wanaaggaa aan isku ogaanno. Sheekadaydan iyo wax badan oo kale oo aan kuu sheegi doonaana waxa ay I siinaysaa caafimaad, ee ha u qaadan in aan immiga ku jiro marxalad xun. Hooyana ha u sheegin warkan aan kugu akhriyayo…..
Lacagtii baqshadda ku jirtay ee ay Maryan aabbeheed u dhiibtay, ayuu Cige hoos u yara tuu-tuujinayaa, maskaxdiisana waxa dhex jibaaxaya, su’aalo badan oo uu iska weydiinayo tolow waa immisa? mararka qaar waxa uu ka fekerayaa lacagta ma ku celisaa inanta, oo ma ku tidhaa….Aabbe waa mishaharkii kuugu horreyeey ee adigu ku iibso waxa aad doonayso. Haddana waxa uu ka baqayaa in ay qoftani uu dacwaddeeda xoogga badan arkayaa billee si kale u qaadatay. Baahi uu lacagtan u qabaana way jirtaa, oo hunguri ayaaba mar-marka qaarna ka haya.
Xaalku aad ayuu Cige ugu adag yahay, wax uu yeelana wuu garan la’yahay, inantiina waxa ay arkaysaa in odaygii uu isku maqan yahay, waxase ay iska dhigaysaa qof aan u jeedin aabbeheed. Oo waxa ay isku yara mashquulinaysaa mobile yar oo ay haysato. Muddo markii ay sidaa ku jiraanba, waxa ay go’aansadeen in ay socodkoodii billaabaan. Maryan ayaana hor kacday, odaygiina fikirkii ayaa weli uu ku maqan yahay. Waxanu soo baraarugay inantiisii oo dul joogta, kuna leh, ” Aabbo, maxaa kugu dhacay, ma hadlaysid, mise waad fikiraysaa aabbe, malaha aabbe waan kaa nixiyey, waxan moodayey in aan socodnayno.”
Odaygii inta isla naxay ayuu si aan kalsooni badani ku jirin ku yidhi, ” Aabbe macaan, hoo …..hoo …..hoo lacagta innoogu rid boorsada, oo ooo maxaan ku idhaahdaa……hay…..! Aabbe, kolley wax baad u baahan tahay ee waxaad jeceshahay ku soo iibso….”.
Inantii Maryan inta ay yara muusootay ayey ku tidhi, ” Aabbe, lacagtan adaa iska leh, oo aan ku siiyey, anigu immiga uma baahni. Ee aabbe ii ducee…..”.
Cige waa Maryan aabbeheede, inta uu kacay. Ee uu inantii madaxa gacanta ka saaray ayuu ku yidhi, ” Aabbe mar walba waan kuu duceeyaa, maantana waxan Ilaahay kuu weydiiyey. In uu muraadkaaga oo san ku siiyo. Xumaan oo dhanna kaa xafido.”
Inkasta oo Maryan ay qurbaha Yurub ku bar-baartay oo luqaddeeda koowaad tahay English, haddana waa inan ku hadasha luqadda Somaliga, diinta Islamkana in fiican ka taqaanna. Runtiina iyada ayaa ku dadaashay in ay barato luqadda Somaliga iyo diinta. Ilma qurbaha ku koray ama ku dhashay ayeyna ugu roon tahay. Laakiin dhaqanka Somaliga wax badan kama garanayso. Waana sababta keentay in aanay hooyadeed is fahmin ama cuqdad ka qaaddo hab-dhaqankii hooyadeed. Waayo dhaqanka Somalida ayey ka mid tahay in gabdhaha si daran ay hooyooyinku ula dhaqmaan amma loogu shaqaysto, halka wiilasha la kool-koolliyo. Ee weliba gabdhaha loogu addoommiyo wiilasha. Dumarka Somaliyeed ee maanta hooyooyinka ahina sidaa ayey ku soo koreen. Oo in badanina sidii dhaqanku ahaa ayey ula macaamilaan gabdhahooda.
Markiise, qurbaha loo soo haajiray, weliba qurbaha waddammadda reer galbeedka, wax badan ayaa iska beddelay dhaqankii noocaasi ahaa. Da’yarta gabdhaha ah ee dhulkan qurbaha ku bar-baarayna waxa ay isu arkaan in ay gabdhaha iyo wiilashu xuquuq siman leeyihiin. Oo labada jinsiba ay u siman yihiin hawsha guriga iyo arrima kale oo badan.
Farqigaa dhaqanka ee u dhexeeya jiilkan iyo waalidka, ayaa saamayn badan ku yeeshay is faham la’aan badan oo ka dhex aloosan waalid badan iyo carruurtooda, Maryan iyo waalidkeedna waxa ay qayb ka yihiin bulsho badan, oo is faham-waa dhex yaallay muddo badan. Sheekada maanta kala dhex miranaysa Maryan iyo aabbeheedna waa mid tusaale u noqon karta labada jiil ee ay xaddaaraddooddu is hirdiyeyso, ee ay ka soo kala jeedaan.
Maryan oo aabbeheed gacanta haysa ayaa cagta hore u qaaday, waxana dib ugu bilaabantay sheekadii. In yar intii aanay soconba, waxa ay Maryan isha ku dhufatay makhaayad yar oo xadiiqadda ku dhex taalla, oo dad badani saf ugu jiraan. Waxanay ka fekertay in ay cunto amma cabitaan yar ka qabsadaan makhaayaddan iyo in kale. Intii ay ka fekeraysay ayaaba oday Cige telefoon u soo dhacay. Haddii uu fiiriyeyba, Faadumo ayaa khadka ku jirta. Ma qabataa ma iska daysaa….ayaa calooshiisa ku wareegtay.
La soco qaybta danbe.






