Saudi Arabia iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qatar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.
Wakhtigii markii hore loo qabtay Qatar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.
Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ahaa:
In Qatar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.
Qatar waxa ay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.
Qatar ayaa diidday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa Isniinta u ambabixi doona Kuwayd si uu u sii qaado warqaddaasi, oo ka socota boqorka Qatar kuna socota boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu wayn ee xiisadda Khaliijka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay, balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.
Qatar ayey muddo todobaadyo ah saran yihiin cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo si deg deg ah uun u dhacay, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
BBC






