Magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirkii caadiga ahaa ee madaxda midowga Africa.
Shirkan caadiga ah ee madaxda iyo dowladaha midowga Africa isugu yimaaddaan wakhtigan oo kale, ayaa ka mid ah shirarka Midowga Afrika u qorshaysan, waana shirka labaad ee ururku uu yeesho sannad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sannad laha ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan madaxda qaarradda Africa, waxaana shalay gaadhay magaalada Addis Ababa madax ay ka mid yihiin madaxweynayaasha dhowr dal oo ku yaalla qaaradda Africa sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Rwanda Pual Kagame.
Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhibaatootinka ka jira qaaradda Africa.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saari doonaa xiisadda
ka dhex taagan Jabuuti iyo Eretaria.
HOL






