Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Bayle ayaa kashifay dad aan dawladda u shaqayn oo qaata Mushahar.

$
0
0

Wasiirka wasaaradda maaliyada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aan ka shaqeyn hay’adahaasi ay mushaharka ka qaataan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo ogaadaan dad mushar ka qaata dawladda, balse aan aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasi oo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxa aan soo ogaannay kuwa meelo kale ka shaqeeya, oo haddana mushahar qaata iyo kuwa dibadaha jooga mushaarka ka qaata Dawladda Federaalka Somalia, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan ka soo xaadirin shaqada.” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi ay fursad siinayaan illaa dhammaadka bishan July, ciddii

ka soo xaadiri weyda shaqadeeda mushaarka laga jari doono.

“Waxaan siineynaa fursaddii ugu dambeysey oo ah illaa dhamaadka bisha July, dadka lacagaha sida ceyrta oo kale u qaata ee shaqooyinka aan imaan waxaa laga jarayaa lacagaha ay sida xaqdarada u qaataan”ayuu mar kale yidhi Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay gaadhayaan illaa 5kun oo ruux, kuwaasi oo uu xusay inay jiraan dad dibadaha jira oo Account-dadooda Bankiga ugu soo dhacdaan mushaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanna walaac ka muujiyay boqolaal qof oo ku jira liiska shaqaalaha dowladda, kuwaasi oo shaqooyin kale qabsada, isla markaana aan dowladda u shaqeyn, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo mushaar qaata.

Hol


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images