Awdalpress – Borama – Beesha Adan Yonis ( Samarroon ) oo ka mid ah beelaha ugu miisaanka culus beelaha galbeedka Somaliland, ayaa markii ugu horreysey si wada jir ah uga hadashay isla markaana dhalliishay saamiga ay beeshu ku leedahay maamulka Somaliland. Farriin culusna waxa ay u direen xisbiyada tartamaya. Iyaga oo hoosta ka xarriiqay in aanay bilaa shuruud cidna u codayn doonin. Xisbiyada tartanka ku jirana ay mid mid u arki doonaan, ka anfacana ay u codayn doonaan.
Arrintan waxa ay daba fur ku tahay is-bahaysigii beelaha Makaahiil ay muddooyinkanba dabada ka riixayeen. Kaasi oo damacoodu ahaa in ay beelaha Makaahiil miisaankooda mideeyaan si ay xooggooda xisbiga Waddani isugu geeyaan. Waana markii ugu horreysey ee beel ka mid ahi ay si gaar damaceeda u soo bandhigto. Odayada beesha Adan Yonis u hadlayna waxa ay wada mareen dariiq mid ah oo ay ku caddeeyeen mawqifkooda. Laakiin weli golaha Makaahiil iyo xisbiyadu kama ay hadlin arrintaa culayskeeda leh.
Awdalpress





