
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaal caasimadda Nairobi, saacado ka dib markii uu halkaa u tegay baaritaan caafimaad.
Nkaissery ayaa fiidnimadii Jimcaha tegay cisbitalka Karen, ka dib markii uu ka rawaxay Beerta Xoriyadda oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kagala qeyb galay munaasabad dalka loogu ducaynayay.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ka tacsiyeeyay ummada reer Kenya geerida degdegga ah ee ku timid wasiirka, waxaana uu xilkiisa si ku meel gaar ah ugu wareejiyay wasiirka waxbarashada Fred Matiang’i.
Nkaissery oo ahaa jenaraal ka fariistay ciidamada ayaa 2-dii December 2014 loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya, asaga oo xilka kala wareegay Joseph Ole Lenku.
Marka xilka loo magacaabayay waxa uu ahaa xildhibaan baarlamaanka Kenya ku matala deegaanka bartamaha Kajiado, kana tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee ODM.
BBC






