Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Saraakiil ka mid ah Ciidammada Booliska Muqdisha oo shaqadii laga eryey

$
0
0

qaraxAwdalpress – Muqdisho – Laba sarkaal oo ka tirsan Booliska Somalia ayaa laga caydhiyey shaqadii ay ka hayeen Police-ka,  kadib markii ay ku fashilmeen shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed ee loo igmaday. Laakiin lama sheegin in sharciga dawliga ah la marin doono iyo in kale.

Saraakiisha shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ka mid Abuukar Cali Axmed “Xaan Kaa Dheefaa” oo ahaa madaxa howlgelinta cididammada Polic-ka iyo Gen. Garaad Nuur C/lle oo ah Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Labadan sarkaal ayaa waxaa shaqada ka fadhiisiyay Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed waxaana la tilmaamayaa in labadan sarkaal lagu amray inaysan ka soo bixi karin guryahooda.

Dhaliisha isdaba joogga ah ee loo jeedinayo Dowlada Federaalka gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha ayaa waxa la sheegayaa in ay sababtay in wasiirka Arrimaha gudaha oo ah ka mas’uulka ka ah amniga guduhu uu ku dhaqaaqo tallaabadan uu ku shaqada kaga fadhiisiyey labadan sarkaal,  isaga oo ku eedeeyey inay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga caasimadda.

Labadan sarkaal ayaa la tilmaamay inay ku guuleysan waayeen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadii is daba joogga ahaa ee khamiistee la soo dhaafay ka dhacay gobolka Banadir.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles