Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaamiyeyaal ka Tirsan Al-shabaab oo lagu daray liska dadka Amni darrada ku haya Caalamka oo dhan

$
0
0

Al-Shabaab fightersAwdalpress – Muqdisho – Mareykanka ayaa ku daray saraakiisha Al-shabaab liiska argagixisada khalkhal gelisay ammaanka dunida, iyadoo liiskan lagu sheegay magacyada afar hoggaamiye oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee liiskan lagu daray ayaa waxaa ka mid ah amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur iyo Sheekh Xuseen Cali Fiidoow.

Warbixinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Al-shabaab uu xudun u yahay aasaaska kooxda, sidoo kalena ay hoosyimaadaan 6,000 oo dagaalyahan, waxana ay si mug leh u aamminsan yihiin fikradaha Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Mansuur ayaa warbixinta lagu sheegay inuu ahaa xubnihii ka dambeeyay aasaaska Al-shabaab uuna tababar ku soo qaatay Afgaanistaan, sidoo kalena uu si aad ah u taabacsan yahay dagaalka ay Al-shabaab waddo isagoo rumeysan inuu yahay mid jihaad ah.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf uu yahay hoggaamiye dhinaca dacwada u qaabilsan Al-shabaab oo ka soo tagay dalka Sweden sannadkii 2004, halkaasi oo uu ka ahaa muddo dheer imaam masjid.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in Sheekh Xuseen Cali Fiidoow uu yahay ninka u qaabilsan Al-shabaab dhinaca isku xidhka gobollada dalka, isla markaana uu qayb weyn ka qaato dagaallada ay Al-shabaab ku jirto.

Mareykanka ayaa horay malaayiin doollar ugu xidhay helista xogta iyo halka ay ku sugan yihiin: Sheekh Fu’aad Shangole, Sheekh Abuu-Mansuur iyo Sheekh Abuu-Zubeyr, inkasta oo aanu weli ku guuleysan inuu taallaabo ka qaado.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay hoggaamiyaha guud ee Ururka Al-Qaacida Dr. Ayman Al-Zawaahiri, hoggaamiyaha daalibaan Mullah Cumar iyo hoggaamiyeyaal kale oo ay ku jiraan madaxda kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta Nigeria iyo hoggaamiyaha Al-qaacidada Waqooyiga Afrika.

HOL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles