Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Fannaanadda Hibo Nuura oo 22 sano kaddib ku noqotay Muqdisho

$
0
0

Hibo-NuuraAwdalpress(Muqdisho) 10 Sep.13–Fannaanadda caanka ah ee Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho kaddib 22 sano oo ay dalka ka maqnayd.

Hibo waxaa Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaanno, xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, fannaaniin ka tirsan kooxda Waaberi oo ay horey uga tirsanaan jirtay iyo dadweyne badan.

Waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ku laabashadeeda Muqdsiho kaddib 22 sano oo ay ka maqnayd caasimadda.

Hibo waxay sheegtay inay muddo joogi doonto magaalada, ayna ka qeyb-gali doonto bandhigyo faneed.

Fannaaniin badan oo caan ah ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii magaalada laga saaray kooxda Al-Shabaab bishii August 2011.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images