Awdalpress – London – Baashe Mohamed Farax oo matilaya Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, ahna ninka ay kursigaa ku muransan yihiin Abdiraxman Talyanle, ayaa markii ugu horreysey maanta shir guddoomiyey golaha Baarlamanka is haysta ama labada u kala jaban, waxana uu kalfadhigani ku sheegay in uu kooramkiisu dhammays tiran yahay. Intaasi waxa uu ku daray in dib la isugu soo noqon doono maalinta Axadda ah, oo buu yidhi, ‘ la dooran doono guddoomiye ku xigeenka golaha.’
Dhinaca kale waxa la sheegay in uu Abdiraxman Talyanle ka qayb galay kalfadhigaasi, balse isaga iyo garabkiisii aanay kalmad ka odhan golaha.
Awdalpress




