Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xisbigee guulaysanaya doorashada Somaliland? Doorashadu wakhtigeedii ma dhici doontaa? Xaaladaha dib u dhigi kara doorashada soo socota ee Somaliland la filayo in ay 13ka September ka dhacdo

$
0
0

Hordhac

 

Sida aad ka dhan-dhansan kartaan mawduucda qormadan ee kor ku xusan, ayaan isku daynay in aan cilmi baadhis ku samayno, saddexdaa qodob ee kala ah:

 

 

1) Xisbiyada Qaranka Somaliland midka u muuqda in uu doorashada ku guulaysan doono iyo sababta loo cuskan karo.

2) Doorashadu wakhtigeedii ma dhici doontaa?

3) Maxaa sababi kara in ay doorashu dib u dhacdo?

 

Marxaladda uu maanta dalkii marayo haddii aan in yar is dul taagno waa mid cakiran oo guud ahaanba ay Somaliland ka siman tahay, waxana ka mid ah:

 

a) Dalkii oo uu hadheeyey war war laga qabo siyaasad xumo baahsan.

 

b) Sicir barar iyo dhaqaalihii oo hoos u sii socda.

 

c) Adeegyadii dawladda ee ay dawladdu maamulaysey sida dekeddii Berber iyo maamulkii oo marba marba ka danbeeya sii xumaanaya.

 

d) Caddaalad darro gaadhay in hay’adihii ugu sarreeysey ay shaqayn la’yihiin sida maxkamaddii ama golihii sharci dejintu uu laba u kala jabay.

 

e) Boob lagu hayo  hantidii dawladda ee maguurtada ahayd.

 

f) Madaxweyne Siilaanyo oo xaalkiisa caafimaad ama maamul laga dar-daar warinayo. 

 

 

Dhinaca kale iyada oo ay dhibaatooyinkaasi jiraan, kuna baaheen gobollada, degmooyinka iyo guud ahaanba hay’adaha dawladda, ayaa haddana dalkii uu socdaa, dadkii ay rajo qabaan, oo ay adkaysi badan u leeyihiin illaa……Mooji!  malaha inta isbeddel imanayo.

 

 

Arrimahaa aan soo sheegnay, siday xisbiyadu u kala arkaan amma siyaasiyiintu ugu kala dareen duwan yihiin haddii aan ku horayno, xisbiga Kulmiye ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu, ma aragto dhibahaasi aan soo sheegnay, waxana ay ku faantaa in ay dalka horumar gaadhsiisay. Xisbiga Kulmiye madaxdiisa u tartamaysa talada dalkuna waxa ay isugu jiraan, kuwo xilligan aammus miciin mooday, oo aan ka hadli karinba xaaladaha adag ee dalkii marayo iyo kuwo boobka dalka lagu hayo qayb ka ah sida Wasiirrada iyo siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda Siilaanyo. Muuqaalka noocaasi ah ee ka muuqda xisbiga Kulmiye ama xukuumaddu waxa uu xilligan dhaxal siiyey xisbigaasi in ay shacbiyaddiisii yaraato.

 

 

Laakiin xisbiga Waddani ayaa ah ka ku hadla afka shacabka, ka hadla marxaladda uu maanta dalku marayo, sidaasina ku kasbaday in shacab iyo siyaasiba loo muujiyo taageero aad u xooggan. Sidaasi daraaddeed aad arkayso in maalin walba ay siyaasiyiini ku soo qul qulayaan.

 

 

Xisbiga UCID waa xisbi magac ahaan uun u jira, Faysal oo guddoomiyihiisa ah oo keliya ayaana ka dhex muuqda, ahna ninka keliya ee aadka uga hadla dhibaatada dalka ku habsatay. Farqi badan oo tartanka wax ka beddeli  karana ma laha xilligan. Balse lama garanayo sida uu isku habayn doono muddada doorashada ka hadhay.

 

Xisbigee talada dalka mulkiyi kara.

 

Iyada oo xaalka dalka iyo aragtida xisbiyadu ay sidaa u kala duwan yihiin ayaan haddana lagu deg degi karin, oo aan la odhan karin, xisbigaasi ayaa doorashada helaya.

 

 

Xisbiyada labada ah ee aadka u loollamayaana waa Waddani iyo Kulmiye oo ay kala hoggaaminayaan Abdirahman Cirro oo uu weheliyo Amb. Mohamed Ali iyo Col. Muse Biixi Abdi oo uu weheliyo M/xigeenka xillagan Abdirahman Zaylici. Tartanka dhex mari doonaana waa mid aad u adag. Xilligan kala guur guurka ahna waxa xisbi walliba wadaa is habayn, dhaqaale urursi iyo xod xodasho lagu hayo dadka miisaanka ku leh bulshada.

 

 

Waxana xisbi walliba xilligan uu miiska u fadhiyaa sidii uu u dajin lahaa shaxdii uu ku guulaysan lahaa. Shaxda la cayaarayaana, waa mid laba iyo tobankeeda godba ay shacabka u muuqdaan.

 

 

Dhalliilaha ay shacabku hilaadinayaan ammaba uga dhex muuqda labadaa xisbi sida; musdanbeedka xisbiyadaasi iyo ragga shawladda u galay maamulkooda, ayaa iyaguna ah kuwo aan xisbina kalsooni badan ku qabi karin in uu guulaysto. Sidaasi daraaddeed ayaana keenta guur guurka xisbiyada laga guur guurayo.

 

 

Dhaqaale xumada xisbiga Waddani iyo maamulkii dalka oo looga badan yahayna waxa ay keeni kartaa xaalad aan sahlanayn oo uu xisbiga Waddani wajaho. Taasina, waxa ay laabta u tumaysaa xisbiga Kulmiye oo kolka horeba rag cabsi laga qabaa ay hoggaanka u hayaan. Laakiin madaxda Kulmiye ee taasi niyadda ku hayaa way is moodayaane, waxa dhici karta in ay dhinaca kale ugu rogmato. Ta ugu daran ee xilligan looga qaxayaana, waa fikirka noocaasi ah ee madaxda Kulmiye u qarsoon iyo kibirka aanay cidna u joojinayn.

 

 

La Soco qaybta danbe

 

Ahmedweli Goth

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images