“Abtigay Cabdiraxmaan aad baan ugu mahad-celinayaa Tanaasulkaa uu sameeyey.. Aniguna haddaan Guddoomiye noqdo iyo haddii kale-ba, Golaha waxaan u ahay dhex..” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe M. Faarax
“Natiijadii lagu dhawaaqay waxa loogu dhawaaqay Baashe, 39-ka Codna waxa helay Xildhibaan Talyanle… Haddana waxaannu Garannay…” Cabdiraxmaan-Cirro.
Hargeysa, 26 August, 2017(Ogaal):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa ku guulaystay inuu xal u helo Khilaafkii ka dhashay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee Mudanayaasha Golahaas kala qaybiyey, kaas oo markii ugu horreysay isu keenay Talyanle iyo Baashe oo isku haystay Kursigaas.
Khilaafkaas ayaa hadda u muuqda inuu meesha ka baxay, ka dib markii uu Tanaasulay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la caddeeyey inuu helay 39-ka Cod ee Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax loogu dhawaaqay, waxaanay Hoggaanka Xisbiga Waddani iyo Talyanle-ba sheegeen inay soo afjareen khilaafkaas oo ay Guddoomiye u aqoonsadeen Baashe, ka dib wadahadal iyo Kulan uu Cirro labada Mudane isku soo horfadhiisiyey oo la isku laab-xaadhay.
Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaas Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa kulan foolka fool ah oo uu Cabdiraxmaan-Cirro isugu keenay, kaga heshiiyey khilaafka ka dhexeeyey, isla markaana waxa uu Talyanle shaaciyey inuu u tanaasulay Baashe.
Ugu horreyn Musharrax Cirro oo kulankaasi markuu soo dhammaaday Warbaahinta la hadlay, waxa uu yidhi; “Maanta (shalay) waxaan u baxayaa Xajkii, Dalka iyo Dadka-bana waan u sii ducaynayaa, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu nabad-qab igu soo celiyo. Waxaan sheegayaa War Shacbiga Somaliland ku farxi doono oo ah in la soo afjaray muranka khilaafkii ka taagnaa Golaha Wakiillada Somaliland. Sidaad ka War-qabtaan Shacbiguna indhohooda ku arkayeen waxa la qabtay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada lixdii bishan August 2017, waa la codeeyey, Codku siduu u dhacay iyo natiijadii lagu dhawaaqayna kala jaad bay noqdeen, Natiijadii lagu dhawaaqay waxa loogu dhawaaqay Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, 39-ka Codna waxa helay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa Musharrixii la tartamayey.”
“Somaliland dhaqan bay leedahay Xisbi ahaan iyo Mudanayaal ahaan iyo Xisbi ahaanba waxaannu u ergoonnay Golaha Guurtida sidii dhaqanku ahaan jiray, Garawshiiyo lagama helin (Golaha Guurtida), waxaynu leenahay Qawaaniin oo ka dibna Maxkamaddaa loo gudbiyey (Dacwadda natiijada), Maxkamadduna Golaha ayey ku soo celisay, markaa iyadoo arrintaasi taagan waxaannu garannay inaannu Shacbiga, Dalka iyo Dadkaba loo tudho, werwerka faraha badan ee hayana laga kor qaado, waxaannu garannay in Hay’adihii kale ee Qaranka ee marka khilaaf yimaaddo xallin jiray, markay ku guul-darraysteen arrintaas (Xallinta Murankan), inaannu Annagu isku noqonno oo Xildhibaanno ahaan iyo Xisbi ahaanba Annaga oo Qaranka u tudhayna aannu aqbalno inuu Guddoomiye (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland) yahay Baashe Maxamed Faarax.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inuu Baashe uga tanaasulay Kursiga uu 39-ka Cod ku helay ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu yidhi; “Wadahadal dheer ka dib, socdaalkaa dheer ee doorashada lagu galay, Annagoon eegayn Xag Sharci, Annagoon eegayn Xag Cod, Annaga oo marwalba qiimaynayna Ummadda Somaliland, Annagoo mar walba qiimaynayna jiritaanka Golaha, waxaan halkan ka caddaynayaa oo aannu Odayaasha isla garannay in aan ka tanaasulo Kursigii aan Aanigu doorashada ku helay ee 39-ka Cod Xildhibaannadu iigu codeeyeen inaan uga tanaasulo Baashe Maxamed Faarax.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Dalka khilaaf baa galay, Cabdiraxmaan-Cirro, waxaannu nidhi; ‘waadiga Xajka aadayee, Xajka hallagaa aqbalee adigoon xallilin khilaafka Xajka ha aadin’. Nasiib-wanaag, Abtigay Cabdiraxmaan aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa Tanaasulkaa uu sameeyey, Dalkana waxay u tahay Badbaado, Golahana waxay u tahay badbaado, Aniguna haddaan Guddoomiye noqdo iyo haddii kale-ba, Golaha waxaan u ahay dhex, Gole khilaaf ka jiraana Gole noqon maayo, immikana waxaan filayaa in Golaha khilaafkiisi uu (sidaa) ku dhammaado.”
Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Allaah waxaan uga mahad-celinaynaa inuu Maanta (shalay) inna waafajiyey arrin khayr leh oo ah inaynu Golaha iyo Qarankaba wixii khilaaf iyo qalalaase ah ka bogsiinno oo midoobo oo walaaloobo oo halkiisii ka sii wato hawlihiisa. Waxaan mahad u soo jeedinayaa Guddoomiye Baashe oo ku dhiirraday inuu u yimaaddo Xisbiga Waddani oo yidhaahdo; ‘Waar arrinta ila xallila’ waa siduu dhaqanku ahaan jiray, Talyanlena tanaasulo oo Odaynimo iyo Geesinnimo muujiyo, Cabdiraxmaan-Cirro-na ku dhex-dhexaadiyey oo isu keenay, Annaguna aannu ku dhex-joognay, waa Khayr Allaah inna waafajiyey Maalin Jimce ah oo Tobankii u horreeyey ee Dul-xaja (Carrafo) aynu ku jirno.”
Gebogabadii Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa halkaas ka hadlay. “Waxaan uga mahad-celinayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku dhiirraday inuu Walaalkii Baashe Maxamed Faarax u hibeeyo Kursiga oo uu aqbalay wada-tashigayagii iyo soojeedintayadii. Baashe-na waxaan ku hambalyeynayaa inaanu naga maagin ee uu noo yimi oo Codsigaa noo keenay oo uu yidhi; ‘Waar ilmaadeerrayaal Golihina sidan wuu ku dhimanayaa, Dalkana dan uma aha ee waxaan magan idiinka ahay in wixii aad tabanayseen-ba liqdaan’ ayaan ku hambalyeynayaa Baashe.” Sidaa ayuu Cabdiqaadir Jirde isna hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey.





