Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

MAQAAL XASAASI AH: Guusha doorashada Somaliland waxa ay ku xidhan tahay codka Awdal (Awdal is Ohio or Florida )

$
0
0
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu dhawaan magacaabay xilal  ka kooban Guddiyo sagaal ah oo tiradoodu gaadhayso illaa 100 Xubnood.
Waxa reer Awdal kaga jira 5 ama 7 xubnood  oo kala ah Codyare, Qasim, Sn Saleebaan, Abgaal iyo Geedoole iyo Maxamed Ali Aw Cabdi ( Musharraxa M/xigeenka ! ) .
Shaxda sidan ahi waxa ay ku tusaysaa in xisbiga hoggaankiisa sare ay reer Awdal ka maqan yihiin oo ka madhan yihiin. Runtii dawladdii Siilanyo ee markii la doortay 2010 uu dhisay ay boqolkiiba siddeed iyo sagaashan (98%) ka koobnayd beesha dhexe iyo Guddiyadan cirro uu dhisay aanay waxba is doorin.
Waxan ognahay in ay dadka reer Awdal iyo Somalilandda kaleba rajo weyn ka qabeen in xisbiga Waddani la iman doono isbeddel badan, oo saami qaybsigu ugu horreeyo, laakiin illaa immaga ma arkayno.
Reer Awdal Rag iyo dumar badan oo muddakar ah ayaa gudaha Somaliland ka buuxa, qaar badanina qurbaha ayey ka tageen. Dadkaasi oo dhammaantood si iskaa wax u qabso ah ugu wada shaqeeya amma ugu wada halgama xisbiga Waddani. Aqoon yahanno badan oo dadkaa daba jooga amma ku soo socda dalkuna waa buux, dhammaantoodna waxa ay u heellan yihiin in ay dhisaan xisbiga Waddani oo guddiyada ay ka mid noqdaan….xubnaha waaweyn ee hoggaanka xisbiga ahna qayb mug leh ka qaataan. Hase yeeshee, marka ay arkaan guddiyada la dhisay iyo sida ay uga madhan yihiin saaxadda xisbiga, ayaa fajac iyo amakaag ku ridday in badan oo xisbiga u xiiqsan, xisbigii iyo taageerayaashoodiina jahawareer ku ridday. Su’aalo badan ayeyna arrintaa iska weydiinayaan. Waxana ay hoosta ka xarriiqayaan in aanu Xisbiga Waddani sidaa cod kaga helayn gobolka Awdal amma gobollada galbeedka ee laga qadiyey maamulka xisbiga amma uu siiyey saami aan u qalmin. Waayo hawsha Awdal taalla,  5 ama 7 XUBNOOD kama soo bixi karaan xisbigana Cod uga keeni kari maayaan.
Guddiyada la dhisayna waxa habboonayd in marka ay ugu yaraato ay reer Awdal ka helaan 20 xubnood. Haddii sidaa la yeeli lahaana waxa soo bixi lahayd shaqo guul lagu gaadho, cod mug lehna lagaga helo reer Awdal oo kale.
Shakhsiyan waxa aan is leehay amma dad badan oo reer Awdal ahi is leeyihiin……Haddii xisbiga Waddani Awdal ka maarmay oo uu xoogga saarayo gobollada kale ( Waa sida ka muuqata shaxda tirada guddiyada e ) amma  in uu Awdal for guarantee loo qaatay oo la is yidhi 5-taa nin baa idinkaga filan hawsha mid ka ay tahayba WAAN OGAAN DOONA MAXSUULKA.
Waxa Awdal yaala 140,000 cod,  waana sida OHIO OR FLORIDA , oo guusha doorashadu waxa ay ku xidhantahay codka Awdal badidiisa xisbiga ku guulaysta. Si kale haddii aan u dhigno, oo tirada codadku intaaba ka yarayno, waxa aan xaqiiqda jirta isla oggolahay in 20,000… oo cod ama ka yar lagu kala helayo doorashada.
Waayo codka beesha dhexe waxa uu u qaybsami doonaa saddexda xisbi sidaa awgeed Codka Awdal ayaa kala saaraya oo guushu ku xidhan tahay. Xisbiga intaa garanwa ee Awdal dhayalsadaa sida xisbiga Waddani hadda ka muuqata qorshihiisa waxa uu ku dambayn guul daro……… hoos ka akhriso magacaabistii gudiyada.
Haddii aan tirada reer Awdal qaldayna waxa aad sida saxa ah iigu soo hagaajin kartaan e-mailkayga hoos ku qoran.
Mohamed Dirane
mohameddrn@hotmail.com
————————————————————————————————————

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Guddi Hawleedyo, Si Loo Dardar Galiyo Hawlaha xisbiga.

 

 

 

 

War-saxaafadeedka lagu magacaabay guddiyadan oo dhamays tiran ayaa u dhignaa sidan:-

Markaan darsay Qodobka 30aad Farqaddiisa 7aad iyo xeerka xisbiga WADDANI

Markaan arkay Baahida loo qabo in la sameeyo guddi hawleedyo.

Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani

Markaan ku qancay: Muhiimadda ay leedahay in la dardar galiyo hawlaha xisbiga.

Maadaama dalku galay wakhti doorasho iyo olole (campaign), loona baahan yahay dedaal iyo dardar-galin waxaan maanta oo taariikhdu tahay 25th August 2017 magacaabay guddi hawleedyo u xil-saaran qorshaynta, qaabaynta iyo dhaqaajinta hawlaha horyaala xisbiga Waddani, si loo xaiijiyo himilada xisbiga ee ah Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.

1. Guddiga Warbaahinta iyo Wacyigelinta

1. Md Cali Sheekh Ibraahim Aareeye

2. Marwo Milgo Maxamed Cilmi

3. Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa

4. Muniir Axmed Cigaal

5. Md Cabdisalaan Maxamuud Ducaale

6. Marwo Saado Jaamac Aadan (Saado-dheer)

7. Md Jamaal Xuseen Hurre

8 Md Cali Axmed Kooshin

9. Maxamed Sidiiq Cabdilaahi

10. Md Aadan Maxamed Ibraahin

11. Md Cabdi Aw Siciid Cawaale

12. Marwo Faadumo Aadan Cawad

13. Maxamed Jaamac Abgaal

14. Mawliid Maxamed Muumin.

 

 

 

 

 

2. Guddiga Dhaqaalaha

 

 

 

 

1. Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed

2. Md Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Md Jamaal Jaamac Xaamud

4. Kayse Cali Geeddi

5. Md Xasan Xuseen Codyare

6. Md Cali Cabdi Saa’iq

7. Marwo Faadumo Suudi Xasan

8. Dr Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)

9. Md Axmed Xuseen Fagfagaash

10. Marwo Qadan Maxamed Cismaan (Qadan-hoodo)

11. Md Bashiir Cabdi Xariir

12. Md Siciid Sulub Maxamed

13. Md Cabdifataax Xuseen (Gamaameeye)

14. Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen

15. Marwo Filsan Cabdiraxmaan

16. Md Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

 

 

 

3. Guddiga Arrimaha Bulshada

 

 

 

1. Prof. Qaasim Sh. Ibraahin Tubeec

2. Md Muuse Cabdilaahi Nuur

3. Md Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

4. Md Yuusuf Khaliif Axmed

5. Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

6. Md Aadan Cabdilaahi Dhagayare

7. Md Faarax Cilmi Geedoole

8. Dr Idiris Aadan Cali

9. Md Cali Cabdilaahi Dagaal

10. Md Maxamed Cali Qase

11. Md Maxamed Muuse Cabdi (Galaydh)

12. Md Yoonis Axmed Yoonis

13. Marwo Maryan Maxamuud Dirir

14. Md Maxamed Muuse Tiyo

15. Md Jaamac Maxamed Hilaac.

 

 

 

 

4. Guddiga Arimaha Gudaha iyo Difaaca

 

 

 

 

1. Md Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro)

2. Md Axmed Jaambiir Suldaan

3. Md Ismaaciil Aadan Cismaan

4. Md Maxamed Nuur Caraale Duur

5. Md Xasan Maxamuud Maxamed (Dhiilood)

6. Md Ibraahin Ducaale Boos

7. Md Cabdirashiid Macalin Muuse

8. Xil Cali Xaaji Maxamed Muuse

9. Md Aftax Siciid Jaambiir

10. Marwo Foosiya Kayse Faarax

11. Md Cabdiraxmaan Axmed Ilkacase

12. Md Axmed Maxamed Cali (Axmed Naasir).

 

 

 

5. Guddiga Siyaasadda iyo Arimaha Dibada

 

 

 

1. Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

2. Md Maxamed Biixi Yoonis

3. Md Ismaaciil Hurre Buubaa

4. Dr Maxamed Cismaan Fadal

5. Amb. Cali Aadan Cawaale

6. Md Maxamed-wali Cali Xasan

7. Md Maxamed Haaruun Biixi

8. Md Axmed Cabdilaahi Cawaale

9. Md Mawliid Waris Cabdilaahi

10. Md Maxamed Cali Aw Cabdi

11. Marwo Suhuur Xasan Abiib

12. Marwo Safiya Cumar Faarax

13. Marwo Faadumo Siciid Ibraahin

14. Md Cabdiraxmaan Maxamed Magan

 

 

6. Guddiga Caddaalada

 

 

1. Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde

2. Md Xuseen Axmed Caydiid

3. Md Barkhad Jaamac Xirsi

4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle

5. Md Axmed Cabdilaahi Al-imaam

6. Md Cabdi Guuleed Gaboobe

7. Md Maxamed Xirsi Ismaaciil

8. Dr Maxamed Siciid Gacamay

9. Md Maxamed Saalax Cige

10. Marwo Ifraax Xiis Kaahin

11. Md Baashe Yuusuf Axmed

12. Md Maxamed Cali Suudi

13 Marwo. Kinsi Xuseen Qawdhan

14. Md. Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)

 

 

7. Guddiga Abaabulka Iyo Xidhiidhka Gobollada

 

 

 

1. Md Abiib Diiriye Nuur (Timacadde)

2. Xil. Baar Siciid Faarax

3. Md Axmed Cabdilaahi Xamarje

4. Md Muuse Yuusuf Raabbi

5. Md Cabdilaahi Axmed Daamur

6. Md Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

7. Md Xamse Cabdiraxmaan Khayre

8. Md Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed (Taarwale)

9. Md Siciid Xaashi Cali Wayd

10. Md Naasir Beddel Ismaaciil

11. Md Siciid Muuse Cabdi (Bustaale)

12. Md Xuseen Aadan Cadde

13. Md Idiris Cabdi Maxamed

14. Cali Axmed Cabdi (Cartan)

15. Md Cismaan Afgaab Nuur

 

 

 

8. Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah

 

 

 

1. Md Maxamed Baaruud Cali

2. Md Cismaan Aw Aadan Faarax

3. Md Aadan Axmed Warsame

4. Md Maxamed Xuseen Siciid

5. Sh. Saleebaan Sh. Cabdilaahi Muuse

6. Md Daa’uud Xuseen Jaamac (Foodcadde)

7. Md Cabdirisaaq Daahir Jaamac

8. Md Cabdilaahi Digaale Cali

9. Md Cawil Cabdi Xasan

10 Marwo Amran Xaashi Cabdi

 

 

 

 

 

9. Guddiga Hawlaha Guud

 

 

 

1. Md Cabdi Haybe Maxamed

2. Md Xasan Cismaan Aw Aadan (Sabce)

3. Md Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini)

4. Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed

5. Mubaarig Cabdi Xasan

6. Marwo Amaal Cabdiraxmaan Warfaa

7. Md Maxamed Yuusuf Cabdi (Mataan)

8. Marwo Ayaan Axmed Baashe

9. Marwo. Khadiija Xaaji Ismaaciil Bandare

10. Marwo. Caasha Maxamuud Dage

11. Md Cabdiwali Maxamuud Faarax Budhyare).

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images