Awdalapress – London – Xildhibaan Siciid Cilmi Robleh oo ku magac dheer Salla Calee, kana mid ahaa siyaasiyiinta amma xildhibaannada miisaanka culus ku leh xisbiga Waddani, ayaa gabi ahaanba iska casilay xubinnimadii iyo xilkii uu u hayey xisbiga Waddani, waxana uu is casilaaddiisa u sibir saaray, doorashadii guddoomiye xigeenka golaha shacabka ee uu rabay in uu u tartamo, oo aanu garab ka helin xisbiga Waddani.
Waxanu yidhi:

Dhinaca kale waxa is-casilaaddaasi si weyn naqdiyey xildhibaan Mohamed Yussuf Waabeeye, oo isna ka mid ah siyaasiyiinta oliga ugu jira xisbiga. Waxana uu Waabeeye gacan togleeyey amma hoos ugu dhaadhacay, qaabka beeleed ee ka qayb galka tartanka doorashada la isla af-gartay.
Waxana hadalkiisa uu u dhigay:
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa aan weli is-casilaaddan Siciid ka hadlin hoggaamiyaha iyo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani.
Awdalpress





