Dawladda Koriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabada hub Nukleer ah oo ay xanbaari karaan gantaalada riddada dheer.
Koriyada waqooyi ayaa waxa ay sheegtay in si buuxda ay ugu guulaysatay tijaabadii lixaad ee hubka Nukleerka.
Xukuumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay tijaabisay banbaano hydrogen ah oo ka awood badan Bamka atomikada.
Khubarada lafagura arrintan ayaa waxa ay sheegeen in sheegashadan ay tahay in si taxadar leh loo eego balse Kuuriyada waqooyi ay awoodeeda sii balaarinayso.
Markii ugu danbaysay oo ay tijaabo Nukleer ay samayso Koriyada Waqooyi ayaa ahayd September 2016.
Koriyada waqooyi ayaa iska dhagatirtay cadaadiska caalamiga ah ee ku baaqaya in ay joojiso tijaabinta gantaalada iyo Nukleerka.
source BBC
Awdalpress





