Awdalpress – London – Guddoomiye Abdikarim Maal oo ah siyaasi da’ yar oo immiga haya xilka guddoomiyaha gobolka ee xisbiga Waddani, oo gobolka iyo Somalilandba kaga caan baxay in uu yahay mas’uulka kaliya ee si mug leh ugu hadla hawsha xisbigu u baahan yahay ee ka socota Awdal. Ayaa ka hadlay soo dhaweynta Xil. Ahmed-Yaasiin iyo ololaha xisbiyeysan ee uu xisbiga Kulmiye kaga faa’iidaysanayo.
Haddaba maanta oo loo ballansanaa soo dhaweyn loo samaynayey Xildhibaan Ahmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaale oo dhawaan ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka Somaliland. Guushaa oo ay reer Borama u arkeen mid iyaga u soo hoyatay, saamig qaybsigii loo dagaallamayeyna wax ka taraysa, ayaa waxa ka daba yimid olole ay arrintaa kaga faa’iidaysanayaan xisbiga Kulmiye, balse waxa dib loo eegay sida ay u egaanayso labadaa arrimood ee la isa saaray, waxana dib looga noqday in olole xisbi lagu lagu lifaaqo soo dhaweynta Xil. Ahmed-yaasiin.
Arrintaa oo uu haddaba maalintii shalay ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo ku sugan Borama ayaa yidhi:
Awdalparess





