Awdalpress – London – Riyada guusha xisbiyada Somaliland ee tartamaya ayaa aad u sarraysa, Xisbi walliba waxa uu filanayaa guul. Waxana shacabku ay geed wal iyo guri walba kaga faalloonayaan siyaasadda xisbiyada ee ka socda garoonnada gobollada Somaliland iyo kooxaha cayaaraya.
Gobollada galbeedka oo maalmahanba ay ciyaaro waaweyni ka dhacayeen, welina ka socdaan ayaa waxa lagu haasaawayaa, in laba gool iyo eber ay ku kala badiyeen kooxihii u kala ciyaarayey Kulmiye iyo Waddani, halkaana waxa guusha ku raacday xisbiga Kulmiye.
Hirdankii siyaasadeed ee hore ee labada xisbi ku dhex maray garoonnada Borama, ayaa mar walba waxa guusha lahaa xisbiga Waddani, waxana dadku is weydiinayaan sabab xilligan oo ay soo dhawaatay doorashadii ay xisbiga Waddani u guul-darraysteen.
Su’aashaasi oo siyaal badan looga jawaabay, haddii aan soo koobno, waxa ugu horreyn farta lagu fiiqayaa, rag ka yimid qurbaha, xisbiga Waddanina taageero u ahaa, awal horena aan siyaasadda Somaliland ka dhex muuqan ammaba aan khibrad buuran u lahayn oo hoggaanka Waddani cidhiidhsaday, waxana la sheegayaa in ay raggaani sabab u yihiin guul darrada ku socota xisbiga Waddani. Haddii laga qaban waayana uu xisbiga Waddani 90% uu guul-darraysan doono.
Dhinaca kale waxa iyana la sheegayaa in ay sartu ka qudhuntay guddiyo 9 ah oo dhawaan laga soo saaray xafiika Guddoomiyaha Xisbiga, oo 121 qof oo ku qorraa ay 6 uuni ka ahaayeen gobollada Awdal iyo Salal. Wareegtadaasi lagu magacaabay guddiyadaasi ayaa gudbisay farriin taban, oo lumisay kalsoonidii shacabka galbeedku ka qabeen xisbiga Waddani, oo watay boodhkiisa ay ku qoran tahay ISBEDDEL DOON.
Awdalpress





