INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Xilli la soo dhaweynayo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweynaha Waddani, ayaa markii ay marayeen magaalada Dilla, waxa ka bilowday isku dhac ka dhex dhacay taageerayaasha xisbiga Waddani iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye.
Dhacdadan ayaa mas’uuliyiinta degmada Dilla iyo xubno ka mid ah hoggaanka xisbiga Waddani ay si is khilaafsan u kala sheegayaan. Wararka xog ogaalka ah ee aan helaynaana waxa ay tibaaxayaan, in shaqaaqada dhacday ay tahay mid ka dhex bilaabantay dhallin yaro kala taageersanayd Kulmiye iyo Waddani. Balse markii ay soo dhaweyntii wafdigu dhammaatay, ayaa koox dhallinyaro ahi ay dhagxaan ka daba tuureen gaadhi ay saarraayeen ciidanka nabad ilaalinta ahaa, halkaana nin ciidanka ka mid ahi uu kaga jawaabay rasaas.
Allaha u naxariistee wiilka dhintay oo aan rabshadda ku jirinna ay rasaastii meel halis ah kaga dhacday. Halkiina ku naf waayey. Waxana la sheegayaa, maydkii wiilka oo la geeyey Borama (si inta aan la aasin kiiskiia meel la dhigo ), in maanta la aasay, xukuumadda Ahmed Siilaanyana ay door fiican ka ciyaartay.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa la sheegayaa in maalintii ka horreysey imaatinka wafdiga ay magaalada Dilla ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani, khilaafka labada dhinacna uu markaaba jiray. Maamulka degmada iyo saraakiishaasina waxa ay maalintaa isku khilaafeen, in guriga weyne ee loo dhisay in lagu tashado loo furo xisbiga Waddani amma kuraaska boqoollaalka ah ee dhex yaalla loo soo saaro. Balse waxa la sheegay in la isku diiday, oo maamulka degmadu uu diiday, iyaga oo cuskana in aan la gaadhin xilligii ololaha doorashooyinka, isla markaana aan loo baahnayn in degmada laga ololeeyo.
Laakiin waxgarad badan oo arrintaa is dul taagay ayaa aad u la yaabay, sababta kalliftay in taageerayaasha Kulmiye rabshado kala hor tagaan wafdiga. ‘ Ceeb ayey ku tahay reer Dilla in ay garan waayaa sida degaannada kale la isku xaq dhawrayo, ee xisbi walba taageerayaashiisa loo ixtiraamayo,’ Sidaa waxa yidhi nin oday ah kana gaabsaday in magaciisa la soo qaado, oo ka tirsan degaanka Dilla.
Awdalpress





