Awdalpress – London – Siyaasi Abdirashid Hassan Mataan oo ah aqoon yahan iyo siyaasi miisaan ku leh Somaliland gaar ahaanna gobollada galbeedka dhawaanna iska casilay xilkii iyo xubinnimadii uu ka hayey xisbiga Waddani, ayaa maanta shaaciyey in uu ku biiray xisbiga Kulmiye. Waxana uu hoosta ka xarriiqay in uu la tashi badan la sameeyey asxaabtiisa taageerayaasha u ah.
Mudane Hassan Mataan ayaa hore xilal uga soo qabtay xisbiyada UCID iyo Waddani oo labadaba uu iska casilay. Sababo macquul ah oo labadaa xisbi kala soo daristay ayaanu isaga casilay. Xisbiga uu maanta ku biiray oo ay uga soo horreeyaan saaxiibbo ay ka mid yihiin Siyaasi Jamaal Hussein oo ay ku wada xisbiga UCID iyo siyaasi Seed oo ay ku wada jireen Waddani.
Awdalpress





