Awdalpress – London – Borqor Osman Buur-madaw, oo ka hadlay shirkii beesha Biciide ee ka dhacay bari, ayaa hadal ballaadhan oo uu shirkaa ka soo jeediyey waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay beesha HJ ay doorashada meel keliya wada mari doonto, waxana ay mari doontaa ayuu yidhi, meesha u danta ah. Balse aanay qaybsamayn.
Horena waxa uu goob fagaaraha kaga dhawaaqay in ay beeshiisa Habar Jeclo aanay ka leexanay isbahaysigii Jeegaanta, codkooduna uu yahay Muuse, ayna gudi doonaan abaalkii lagu lahaa.
Awdalpress





