Awdalpress – London – Xilli siyaasadeedkan reer Somaliland ay ku jiraan, ayaa qof walbaa noqday dhawaq dhawr. Saxaafadduna waxa ay isha ku haysaa hadallada siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo dadka siyaasadda ka faallooda.
Haddaba dhawaan ayaa xaflad caleemo saar ahi ay kulmisay salaadiin, siyaasiyiin iyo boqorro. Waxana markiiba xafladdii la isku dhaafsaday kaftan iyo gabayo.
Sida aad ka dhegeysan doontaan cajaladda, waxa kaftankii ku hor maray oo bilaabay Suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldaan Hassan Suldaan Abdillaahi, oo marxaladda siyaasadeed iyo damaca reerkiisa ka tiriyey gabay uu ku sheegayo, reeraha u codayn doona beelaha uu Suldaanka u yahay. Waxana uu soo tiriyey beelaha Garxajis oo aanay Habar Yonis ku jirin, Beelaha Habar jeclo, Beelaha Dhulbahante iyo beesha Ciise oo uu ku soo gaba gabeeyey.
Markii aan dhegeysanayey, oo aan is lahaa beelaha Samarroon wuu ku soo dari, ee uu ku soo dari waayey, waan ka yara niyad jabay, waxanay ila noqotay lama filaan, waxana isku kay qaban waayey kalgacalada Suldaanka ay beelaha Smarroon u hayaan isaga iyo beeshiisa iyo in uu gees iska mariyo. Su’aasha aan is weydiiyeyna waxa ay ahayd, tolow Suldaanku muxuu u illoobay reerka uguba ood dhaw. Mise soo dhaweyntii Waddani ayuu ka xanaaqay?
Siday doonto arrini ha ahaatee, Suldaanka waxa leehay soo dhawow siyaasaddeennu waa dimuqraaddiye, hana quusan waxba naga waayi maysidi!
Ahmedweli Goth






