Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Amni darro ka soo korodhay magaalada Borama oo ay Salaadiini ka hadashay.

$
0
0

Awdalpress – London – Suldaan Ibrahim Jamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta miisaanka ku leh degmooyinka Gebilay iyo Borama oo la weheliyo, ayaa ka hadlay wax uu ku sheegay ammaan darro ay bilaabeen dadka isku soo baxa samaynaya, waxana uu farta ku goday taageerayaasha xisbiga Waddani.

Sida Borama laga soo sheegayana, waxa dhacaya isku dhacyo wata aflagaado iyo qacan ka hadal u dhexeeya dadka kala taageera xisbiyada Kulmiye iyo Waddani. Cabsi badanna waxa laga qabaa haddii aan xal loo helin ay magaaladu isku rogi doonto fawdo ammaanka wax yeela.

Sudaan Ibrahim oo la safan xisbiga talada haya ayaana xilligan ka digaya rabshado wax yeela ammaanka iyo doorashada. Laakiin Suldaannada dhiggooda ah ee dhinaca kale lagama hayo, wax digniin ah iyo in ay u baqaan ammaanka.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images