Awdalpress – London – Iyada oo ay wax ka yar bil ka hadhsantahay doorashada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa xalay la weeraray hoyga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .
Guddoomiyaha ku meel-gaarka ee xisbiga waddani Cabdilqaadir Ismmaaciil jirde ayaa BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay xalay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro.
Cabdilqaadir ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada ay isaga oo horjeedaan xisbiga Waddani, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.
Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, immigana ay wadaan baadhitaan ku aaddan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in boolisku ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.
Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan ayaa sidoo kale sheegay in isla xalay ay qabteen dhallinyaro weerartay xafiis xisbiga kulmiye uu ku leeyahay xaafadda sheekh Madar ee magaalada Hargeysa .
Guud ahaan magaalooyinka jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday ololaha siyaasada ee xisbiyada ku loolamayo doorashada lagu wado inay Somalialnd ka dhacdo 13-ka bisha Novembar.
Tixraac BBC
Awdalpress





