Awdalpress – London – Warar la isla dhex marayo suuqyada magaalada Borama iyo Wajaale ayaa sheegaya in markii la ogaaday siro badan oo ku xeeran ololaha doorashada Kulmiye, ay dadkii taageerayey dhabarka u jeediyeen, tiro yar oo carruur u badanina ay si khasab ah ku yimaaddeen garoono cidla ahaa.
Waxa kale oo aan shaki ku jirin, in la ogaaday in dadkii abaabulka waday ay isku diideen dhaqaalaha xad dhaafka ah, ee ragga qaar jeebka danbe gashadeen. Halka ay haldoor badan oo xisbiga ku soo dhabar jabay ay ka fara madhan yihiin.
Bal nala daawada goobihii Borama la ay carruurta xisbiga Kulmiye taageertaa isugu yimaaddeen
Awdalpress





