Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Doorashadii Somaliland ka dhacday waxa loo kala baxay dad khasaaray oo aan dib danbe dadka u hor iman doonin iyo dad sharaf leh oo hoggaanka soo socda qayb ka noqon kara.

$
0
0

Hawl kasta oo la qabto dad ayaa qabta, guusha iyo wanaagga hawsha la qabanayo amma la qabtayna waxa ku suntan dad amma hoggaamiyayaal la yaqaanno, haddii ay guul darro timaaddana qaar ayaa u qoollan. Guusha iyo guul darraduna maaha uun kala badinta oo kaliya balse waa mid si kale loo eegi karo.

 

 

An dulucda deg deg ugu soo daaddegnee, waxan muddo sannad ah ammaba ka badan ognahay in shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba ay ku soo hawlanaayeen soo dhisidda xisbiyada, haddii ay noqon lahayd sidii xisbiyadu taageerayaal u heli lahaayeen, dhaqaale u heli lahaayeen amma tubta guusha cagta u saari lahaayeen.

 

 

Si taasi loo gaadho ayaa dadkii hawlaha xisbiyada shidhka u galay ay ugu kala gaddisnaayeen dariiqyadii ay kala raaceen, inkasta oo intooda badani ay isku mid ka ahaayeen dhinaca qabyaaladda iyo danaysiga.

 

 

 

Bilowgii waxa dadku ka midaysnaayeen in ay kala taageeraan xisbiyada iyo shakhsiyaadka u sharraxan amma isku soo sharrixi doona. Laakiin waxa mar keliya khadka ka baxay muddakar badan oo xisbi kasta ku jiray, oo iyagu daacad ka ahaa taageerada xisbiyada amma musharrixiinta, waxana halkoodii ka shaqaystay rag iyo dumar iyagu khadad kale socday, oo dan gaar iyo ku qabiil hoose u xusul duubnaa. Muddakarkii rag iyo dumar lahaa, ee hoggaanka xisbiyada ku habboonaa, waxa lagu furay dacaayad amma in ay xisbigaba ka soo horjeedaan. Sidaasi daraaddeed, ayaa xisbiyiin badan oo amma hoggaanka ku jiray amma taageerayaal waaweyn ahaa ay isku dhaafayeen xisbiyada.

 

Raggii iyo dumarkii markii danbe isku xeeray hawl maalmeedka xisbiga ayaa haad ( Chance ) u helay in ay jeebka kala soo baxaan, hawlihii u gaarka ahaa ee ay fursadda u la’aayeen markii hore. Waxana durbadiiba xisbi walba ka dhex dillaacay kooxo ay hawl wadeennadaasi aan soo sheegnay ay samaysteen, oo weliba qurba joog u badnaa. Culayskana waxa ay saareen sidii ay dhaqaale uga urursan lahaayeen wax ma garatada iyo hugun raaca. Muddo yar kadibna, waxaba la isku shubay Somaliland iyo hotelladii qaboobaa ee caano geela lagu cabbayey.

 

 

Shirqoolladoodii ayey qurba joogtaasi la wadaageen saaxiibbadoodii Somaliland joogay, waxana la gogladay Hotello ay ka mid yihiin Maansoor, Safaari, Ambasadoor, Rays, Saw iyo kuwo kale. Qorshaha qaadhaanka sida dur durka u socda ayaa la dejiyey, telefoonka, WhatsApp ka iyo Facebooka ayaa xidhiidho laga samaystay. Abaabulka gudaha ayaa isna culays la saaray, waxana reer reer loo kala saaray bulshadii masaakiinta ahayd. Ee gaajada iyo daranyada la daalaa dhacaysay.  Hoggaanka dhaqanka ayaa shacabkaa la reereeyey af-hayeen looga dhigay .

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waan ka wada dhagarsannahay sida musalsalaakaasi ahaa. Muuqaalladiisa haddii aad dib u daawataanna idinka oo yaabban ayaad ku qosli doontaan, oo wax badani idiinka soo bixi. Qoraalkeennanse ku kuma soo wada koobi karayno dhacdooyinkaasi. Waxase aan jeclaystay in aan si qodobbaysan idiin yara tuso, xeerarkii iyo ajandayaashii ay dadkaasi dejisteen si ay dantooda u gaadhaan, welina way wadaan oo may quusan.

 

  1. Waxa ay ugu horreyn dadkaasi gashadeen koodhkii cuslaa ee qabiilka. Iyaga oo dadkii qurbaha iyo gudahaba u kala shaandheeyey qabiil.
  2. Shakhsiyaadkaasi rag iyo dumarba lahaa waxa ay juhdi badan u galeen sidii ay dhaqaale u gaar ah ku heli lahaayeen. Dagaalla waxa ay ku qaadeen qof kasta oo dhinaca wanaagsan wax ka eegayey.
  3. Mar walba waxa ay ku nabnaayeen amma hoosta kaga jireen musharrixiinta. Iyaga oo dadka ku diraya. Ceeb iyo dhaleecana waxa ay mar marinayeen musharrixiinta ay ka soo hor jeedaan.
  4. Kuwooda ugu doqonsani waxa ay xafladaha si xishood la’aan ah ugaga sheekeynayeen qabyaaladda iyaga oo qabiilooyinka u kala saaraya kuwo xun iyo kuwo fiican. Maantase kuwo badan ayaa khasaaray kkkkkkk.

 

Ariimahaa iyo kuwo badan oo kale ayaa waxa la yaabbanaa waxgarad badan oo Somaliland jooga, ta ka sii yaabisayna waxa ay ahayd, ragga iyo dumarka waxbartay amma ka yimid dhul xaddaarado ay yaallaan sida Maraykanka amma Ingiriiska ee weliba qurbaha in badan ku maqnaa, ee la soo gurya hoyday qabyaalad.

 

La soco qaybta labaad ee la xidhiidha kuwa ay dadkaasi yihiin.

 

Ahmedweli Goth

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images