Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xaflad weyn oo maamuusteeda leh laguna shaacinayo natiijadii doorashada Madaxweynaha ku guulaystay talada dalka Somaliland ayaa saacado koobani ka hadhsan yihiin.

$
0
0

Awdalpress – London – Murankii yo yooyootankii waa soo dhammaaday, isqancintii iyo cabashadii Waddani waa laga soo daalay, xalay oo ugu danbeysey ayuu guddoomiye Cirro si adag u sheegay in aanay ku qancayn natiijada doorashada haddii aan dib loogu noqon sanaaduuqdii la is daba marayey iyo ku shubashadii, waxana uu hoosta ka xarriiqay arrimo badan oo uu sheegay in ay u gudbiyeen guddiga doorashada, laakiin waxna waa laga oggolaaday waxna waa laga diiday.

 

Dhinaca xisbiga Kulmiye, marna lagama maqal cabasho iyo yooyootan ay la galeen guddiga doorashada, sida muuqatayna waxa ay isku hubeen in ay guushu dhinacooda tahay.

 

Calaa kulli xaal, shacabka reer Somaliland waxa ay ku naalloodaan nabad iyo ammaan ay ku wada nool yihiin, sidaasi daraaddeed, haddii ay saddexda xisbi kala badiyeen, lagama yaabo in ay Somaliland u bur burto.

 

La soco wararka ka soo kordha ku dhawaaqista iyo xafladda immiga loo diyaar garoobay.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images