Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mudane Mohamed Ali Aw Abdi oo ahaa musharraxii Madaxweyne xigeenka Waddani oo markii ugu horreysey ka hadlay doorashadii iyo mawqifkiiisa

$
0
0

Awdalpress – London – Musharrax Mohamed Ali Aw Abdi ayaa markii ugu horreysey ka hadlay doorashadii ka dhacday Somaliland, isaga oo ay wehelinayaan hawl wadeennadiisii xisbiga ee dhinaca galbeedka, waxa uu doorashadii ku tilmaamay mid ku shubasho ah, oo aan xaq iyo xalaal ahayn. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay ka xisbi ahaan u diyaar garoobeen doorasho xor ah, laakiin ay Kulmiye ku tala galeen musuq maasug. Ugu danbayn waxa uu caddeeyey inuu mar kale ahaan doono musharraxa Waddani ee soo socda, isla markaana aanu ku niyad jabayn sida dhacday illaa buu yidhi aan ka midha dhalin doonno in aan gaadhno ujeeddadayadii.

Fikirka noocan ah waxa la qaba dhammaanba la taliyayaashiisii iyo hoggaankiisii ka hawl galay galbeedka Somaliland. Taasina waxa ay meesha ka saartay in aanu hunguri ka hayn in ay qayb ka noqdaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay ee Muuse Bixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in laga badiyey xisbiga Waddani, taageerayaashiisiina ay sidaa og yihiin. Laakiin hoggaanka Waddani ee uu hurmoodka ka yahay mudane Abdirahman Cirro ay tanaasuleen, sida ay sheegeenna u tanaasuleen dalka iyo dadka nabadda ah.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images