Awdalpress – London – Ra’iisal Wasaaraha dalka Somalia Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay booqasho ku tegey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe Al-shabaab looga xoreeynayo dalka, isaga oo xusay in dhawaan howlgallo ballaadhan ay ka bilaabi doonaan inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxa uu ugu baaqay shacabka reer Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed in ay ka qeybqaataan howlgalladaa ka dhanka ah Al-shabaab ee bilaaban doona.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa xusay in ay go’doonka ka saari doonaan gobollada Bay iyo Bakool, isaga oo intaa ku daray in sababaha ay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ugu shaqeyn la’dahay magaala madaxdii ay qeyb tahay dhibaatooyin uu sheegay in Shabaab sabab u yihiin.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudooyinkii u danbeeyay booqasho ku tagay magaalada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo socdaalka raysul wasaaruhu qeyb ka yahay abaabul ay wado dowladda Soomaaliya oo la doonayo in Shabaab lagula dagaalo.
HOL





