Awdalpress – Puntland – Nabadoon Abshir Dhagcas oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa maanta si weyn u dhaliilay Odayaasha Beelaha Hawiye. Nabadoon Abshir Dhagcas oo maanta khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu taageerayey Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa si kulul u dhaliilay Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ineysan dooneyn in nabadi ka Islaaxdo Kismaayo.
Waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta aysan dhisan Odayaasha Hawiye balse loo dhisay loogana baahanyahay iney Calfadaan dawladda jirta isla markaana Is Xisaabiyaan Odayashu.
Awdalpress.com