Awdalpress – London – Barnaamijka maanta ee Kaftanka Siyaasadda waxa marti ku ah Mustafe Martin, oo dhawaan ka soo laabtay dalka Somaliland. Waxana uu si cadho leh uga dayriyey qaabkii doorashada Somaliland u dhacday, oo caalamku u bogay. Shacabka reer Somalilandna ay si xarrago leh ugu kala codeeyeen saddexda xisbi ( Kulmiye, Waddani iyo UCID ) ee tartamayey.
Mudane Martin oo cadhasiisa kula dul dhacay guusha u soo hotayey Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid boob iyo musuq u dhacday, ayaa uu dhinaca kale eed dusha uga saaray guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu ku tilmaamay hoggaamiye jilicsan oo dhiniciisa ay guul darradu ka timid.
Haddaba aan idiin kala baxo, wariyaha ruug caddaaga ah ee Ali Xaraare iyo Mustafe Maartin oo waraysi xasaasi wada yeeshay:
Awdalpress





