Hanti dhawraha guud ee xukuumaddii Ahmed Siilaanyo, ayaa soo saaray sharci khuseeya lacaga ay hay’adaha xukuumadda iyo Wasaaradaha dawladdu ay marin jireen, sida; Banka dhexe, xawilaadaha Dahab shiil, Salaama Bank iyo Primiar Bank.
Sidoo kale waxa uu Hanti dhawruhu ka hadlay gaadiidka dawladda ee loo isticmaalo sida khaaska ah, waxa kale oo uu ka hadlay, shaqaalaha laba meelood amma saddex meelood kaga qoran magacyo aan mid ahayn.
Arrintani waa mid durba la odhan karo, waa dabaysha ka soo hor martay mahiigaanka di’i doona marka uu Madaxweyne Muse Bixi la wareego xukunka. Waxana ay markhaati ka noqonaysaa in sida uu ballan qaaday in uu sharcigu shaqayn doono.
Awdalpress




