Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Caleema saarka Madaxweyne Muse & M/xigeenka Zaylici iyo dawladda ay soo dhisayaan oo sida la filayo saacado uun ka danbayn doonta xafladda.

$
0
0

Awdalpress –  London – Wakhtigu wax uu is guraba, waxa soo dhawaatay xilligii la sugayey in la arko dawladda uu Madaxweyne Muse Bixi ku dhawaaqi doono isaga oo la tashaday M/xigeenkiisa Zaylici.

 

 

Waa Muse Bixiye,  sida uu fagaarayaal amma saxaafadda ka sheegay, waxa u qorshaysan Madaxweynaha iyo M/xigeenka in ay 15 illaa 22 wasaaradood uun isugu soo ururiyaal wasaaradihii faraha badnaa ee dalka Somaliland lahaan jireen.

 

 

Waxa kale oo u qorshaysan in shuruudaha wasiir lagu noqonayaa ay yihiin:

 

  1. Waa in uu qofka wasiirka noqonayaa leeyahay aqoon sare.
  2. In ay wasiirrada la magacaabi doonaa leeyihiin khibrad maamul iyo hoggaamineed.
  3. In aanu wasiirka cusubi ahayn shaksi cuqdad qabiil amma mid jinsi midna qabin. Isla markaana yahay shakhsi kalsooni isku qaba.
  4. In uu xalaal maal yahay amma aan lagu xaman xatooyo iyo musuq maasuq.
  5. In aanu danbiile ahayn.

 

Shuruudahaasi oo xilligan lagu jiro aad u adag ayaa ah kuwa Madaxweynaha cusubi uu diiradda saarayo. Laakiin sida dad badani malaha filayaan, xukuumadda la soo dhisayaa noqon mayso mid abaal gud ama qabiil lagu soo xulo.

 

Dadka habeenka 13ka bishan isugu iman doona golaha caleema saarka Madaxweyne Bixi iyo M/xigeenkiisa Zaylici, waa dad si xul ah loo soo marti qaaday, una badan haldoorka reer Somaliland oo aan loo kala soocin qurba joog iyo qol qol joog. Laakiin waxa is weydiin leh, in xisbigii Waddani madaxdiisii ay ka soo qayb geli doonaan iyo in kale.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images