Awdalpress – London – Ballan qaadkii Muse iyo filashadii shacabka ee ahaa xukuumad tayo leh oo ka kooban dad aqoon iyo khibrad leh, ee uu Madaxweyne Muse Bixi ballan qaady in uu weliba dawladdiisa ku soo dhisi doono caddaalad ku salaysan saami qaybsi dhab ah iyo waxa illaa immiga innoo soo baxay oo shacabkii ka nixisay.
Inta aynaan faallo kale u gelin bal horta aan wada akhrisanno, wasiirrada cusub aqoontooda, khibraddooda waan danbeysiin doonnaa, balse aan idiin soo bandhigno sida uu beelaha dawladdan lagu soo dhaweeyey. Laakiin u geli mayno beelaha miisaanka leh, ee aan waxba ka helin golaha wasiirrada ee Muse soo dhisay:
|
Halkan ka Akhri magacyada iyo Qabaa`ilka ay ka soo kala jeedaan Wasiirada cusub ee la magacaabay
Madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay Gole Wasiiro oo ka Kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku xigeen.
Garxajis
1-Yuusuf Maxamed Cabdi Raage (Wasiirka Horumarinta Maaliyada)……Ciidagale ( waa nin da’yar sida la ii sheegay )
2-Yuusuf Maxamuud Nuur Boos (Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada) ………Habar-Yoonis
3-Shugri Baandare Wasiirka Deegaanka Iyo Horu Marinta Reer Miyiga. …..Habar-Yoonis
4-Dr. Xasan Ismaaciil Yusuf Warsame (Wasiirka Caafimaadka) ……Habar-Yoonis
5-Maxamed Muuse Abees Faarax Wasiir Xigeenka Warfaafinta …….Ciidagale
6-Cabdiqaadir Maxamuud Dhaga Wayne Wasiir Xigeenka Waxbarashada……..Ciidagale.
Habar-Awal
1-Dr Sacad Cali Shire Naaleeye (Wasiirka Arimaha Dibada) …….Ciise-Muuse.
2-Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaaddidka Iyo Horu Marinta Jidadka …..Ciise-Muuse.
3-Dr Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jinbriil (Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technologiyada) ……Sacad-Muuse.
4-Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Diiriye Wasiirka Warfaafinta Wacyi Geinta Iyo Dhaqanka…….Sacad-Muuse.
5-Maxamed Muuse Diirye Wacays Kuxigeenka Arimaha Gudaha……..Sacad Muuse.
Arab
1-Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wasiirka Horumarinta Maal Gashiga……..Arab
2-Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed (Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta)…….Arab
3-Liibaan Axmed Yusuf Xuseen Wasiir Kuxigeenka Arimaha Dibada……Arab.
HabarJeclo
1-Maxamed Kaahin Axmed ( Wasiirka Arimaha Gudaha)…….Habar-Jeclo
2-Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Arimaha Xidhiidhka Golayaasha Dastuurka……Habar-jeclo
3-Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Horumatrinta Kaluumaysiga…..Habar-Jeclo
4-Hinda Jaamac Xirsi Wasiirka Arimaha Shaqo Galinta Arimah Bulshada Iyo Qoyska……HabarJeclo
5-Jaamac Maxamuud Cigaal Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta……HabarJeclo.
Isaaqa yar yar
1-Maxamed Daahir Axmed Furre Wasiir Ku Xigeenka Horu Marinta Maaliyada…….Tol-Jecle
2-Yurub Abiib Cabdi Wasiir Ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha……..Ayuub.
Harti
1-Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiin Faarax ( Wasiirka Waxbarashada Iyo Sayniska)………DhulBahante
2-Cabdriashiid Xaaji Ducaale Qanbi Cabdalla (Wasiirka Hawlaha Guud)…….Dhulbahante
3-Saleebaan Koore Yuusuf Cali Koore Wasiirka Horu Marinta Biyaha. ……..Dhulbahante
4-Ciise Axmed Yuusuf Cadale (Wasiirka Gaashaandhiga)………Warsangali
5-Sahal Maxamed Jaamac Faarax Wasiir Xigeeenka Gaadiidka Iyo Horu Marinta Jidadka………Warsangali.
Samaroon ama Gadabuursi ( Waxa ay xukuumaddan 30 ka ah ka heleen 3 oo u dhiganta 1%, waxana lala simay jilibyo yar yar oo aan degaannaba aan lahayn. Beelihii miisaanka lahaana waa laga tagey )
1-Caawaale Ibrahim Shirwac Lodoon ( Wasiirka Qorshaynta) ……Bahabar Abokor ( Maxad Case )
2-Maxamuud Xasan Sacad ( Saajin) W Ganacsiga Warshadaha Iyo Dalxiiska…….Jibril Yonis ( Makaahiil )
3-Axmed Muumin Seed Habene (Wasiirka Horumarinta Beeraha)……..Musa Fiin ( Habar Cafaan )
Gabooye
1-Eng Xuseen Ibrahim Xasan Buuni Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta………Gabooye
Khibraddooda iyo aqoontooda dib ayaan ka soo sheegi doonnaa
|
Intaasi waxa dheer Wasiirro ku xigeenno laakiin reer Awdal waxba lagagama soo darin.
Sida shacabku filayeen oo ahaa in dakaatiir iyo dad khibrad u leh dawladnimada laga dhex arko, ayaa la garab maray, waxana ay saxaafadda awdalpress ogaatay in dhawr jeer la kala baddalay liisas la qoray, ragga culus ee meesha ka baxayna waxa la sheegayaa in ay ku jiraan Prof. Samatar iyo Dr. Jamal oo la filayey in ay golahaasi ku jiraan.
Dawladdan uu madaxweyne Muse Bixi soo dhisay oo aad uga cadhaysiisay shacabka reer Somaliland gaar ahaanna kuwa dega gobollada galbeedka iyo bariga Somaliland ayaan la garanayn xanuunka ay keeni doonto. Waxase caddaatay in uu qalad weyni dhacay. Taasina dhaawac ku tahay Madaxweyne Muse Bixi iyo rajada shacabka reer Somaliland. Haddii la sixi waayana ay dhibteeda leedahay.
Mar aan waraysannay dad wax garad ah oo ka soo jeeda gobollada kala degaanka ah ee Somaliland, waxa ay noo sheegeen in aanay ka qabiil ahaan ama gobol ahaan lur ku hayn haddii wasiir la siiyo iyo haddii aan waxba la siinba, balse waxa ay ka dayriyeen qaar ka mid dadka wasiirada loo soo doortay, oo aan aqoonteedii lahayn, wasaaradda loo igmadayna aan sharxi karayn waxa ay qaban doonto, khibrad hore oo wasiirnimana aan lahayn. Luqadaha caalamka lagula hadlana aan haba yaraatee waxba ka garanayn. Sidaasi daraaddeed ay lama filaan ku noqotay in dadka noocaasi ah lagu soo daro dawlad loo hanweynaa.
Gaba gabadii, waxa iyana gobolka Awdal iyo Salal nooga imanaya cadho aad u daran, oo ay dadka qaar leeyiihiin, waar dadka liiska soo qoray iyo Madaxweynaha sexeexay miyaanay IL IYO INKAAR midna ka baqayn. ILaahayna waxa ay uga baryayaan in uu xaqa tuso, si loo helo caddaalad iyo sinnaan.
Awdalpress





