Awdalpress – London – Madaxweyne Muse Bixi Abdi ayaa maanta soo saaray liis ay ku qoran yihiin dawladdiisii ugu horreysey ee uu soo dhiso, kadib markii maalintii shalay ahayd loo dhaariyey xilka Madaxweynenimo. Sida hoos ku qoranna waxa idiinki muuqda saddex warqadood ay ku qoran yihiin magacyada iyo wasaaradaha ay ku kala qoran yihiin mas’uuliyiintaasi la doortay. Sidaasi daraaddeedna durba la leeyahay liiskani waxba ma dhaamo, kii dawladdii Siiraanyo ee wax-ma garatada iyo tuugtu u badnayn.
Liiskan oo ay ka maqan yihiin rag iyo dumar miisaan ku leh Somaliland oo la filayey in ay ku soo baxaan. Ayaa baddalkoodii waxa liiska ku soo baxay wasiirro aan lahayn aqoon sare iyo khibrad xafiis wasiir lagu maamulo, taasi oo garab marsan ballan qaadkii Madaxweyne Muse Bixi Abdi.
Warar kale ayaa sheegaya in ay bannaanka u soo baxday xan la lahaa waxa isku dhacay Madaxweyne Muse Bixi iyo Prof. Samatar oo muddoba la arkayey in ay lahaayeen wada shaqayn dhaw.
Dhinca beelaha marka laga eego, waxa iyana ka maqan liiskaa oo la qadiyey beelo miisaan degaan iyo shacab ku leh dalka Somaliland, tartankii doorashadana laga badiyey, oo aan weligood ka maqnaan maamulladii hore ee Somaliland, laakiin Muse Bixi dhinaciisa ka tirsanayey cadaawad hore, lana filayey in uu Madaxweyne Muse bogsiiyo boogihii uu sheegay in aanu seegayn bogsiintooda.
Isku soo wada duuboo, weli waxa dhiman dawladda intii ugu badnayn iyo waxqabadka ay shacabku sugayaan, rajada la filayaana ma xumo.



Awdalpress





