Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Muse Bixi muxuu ka yidhi madashii xilka uu kula wareegayey? Ayaase ka mid noqon doona wasiirraddiisa?

$
0
0

Awdalpress – London – Subaxnimadii maanta ( 13/12/2017 ) waxa dad badan oo Hargeysa iyo gobollada Somaliland isaga yimidba ku waabariisteen madashii caleema saarka, isla markaana uu xilka kula wareegayey Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane Muse Bixi Abdi.

Madashaa iyada ah waxa safka Madaxweynayaasha xilka la kala wareegaya dhinac fadhiyey Madaxweyne Dahir Rayaale, afar Madaxweyne xigeen oo xukunka Somaliland u kala danbeeyey ( Xasan Ciise, Abdirahman Aw Ali, Ahmed Yaasiin iyo Abdirahman Zaylici ), guddoomiyayaasha golayaasha guurtida iyo golaha baarlamanka, guddoomiyaha xisbiga UCID iyo madax badan oo isugu jirta wasiiradii dawladdii Siilaanyo, Madaxda ciidammada, saraakiisha dawladda iyo oday dhaqameedyo uu ka mid ahaa Ugaaska beelaha Ciise.

Nusqaanta amma dhalliisha ugu weyn ee ay madashaasi ka muuqatay ayaa ahayd qaab darrida loo hoggaaminayey xafladda iyo saxaafadda oo aan u sinnayn ka qayb galka hawshaa mugga iyo miisaanka leh. Sawirka ay dhalliishaasi muujinayseyna waxa ay noqotay mid iftiimisay amma ka tarjumaysey sida qabiilaysan ee ay kooxo dhallin yar u badani isugu soo urursadeen, ee aanay cid kale amma saxafiyiin kale oo gobollada ka socda waxba la wadaageyn.

Mar aan arrintaa daba gal ku samaynay, oo saxaafadda awdalpress xuuraamisayna, waxa noo soo baxday in hab dhaqanka suxufiyiinta reer Hargeysa ee noocani ahi yahay mid baryahan danbe soo caam baxay, oo sida looga gudbaana ay adag tahay. Sidoo kale waxa dadka qaar aan wax ka weydiinnay ay hoosta ka xarriiqeen in madaxda Hargeysa joogtaa ay gacanta ugu jiraan shaqaalaha TVyada Hargeysa oo u badan reer keliya. Taasi oo meesha ka saartay qaabkii ay guddiga qaban qaabadu wax u dooneysey. Balse ay xakamayn kari waayeen.

Xafladdan waxa ka maqnaa dhammaanba xubnihii xisbiga Waddani ugu sarreeyey iyo shakhsiyaad qiima ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxa aanay indhuhu marna qaban Prof. Ahmed Ismail Samatar oo ahaa ninka ugu miisaan cuslaa xisbiga Kulmiye, ee sida xoogga leh ula soo dagaal galay, lana filayey in uu isagu barnaamijkan oo kale maamulo.

Intaa waxa raacda, qaab xumada iyo fool xumada ka muuqatay da’yarta barnaamijka daadihinaysey, oo dhammaantood u badanaa dad u eg in ay cusbataallo ka soo bexeen, diifta korkooda ka muuqataana ay ahayd mid naxdin gelisay martidii madasha timid gaar ahaan ajnabigii.

Waan idiin soo sheeka dhaafaye, waxa iyana aan aad ugu qosollay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Ali Waran Cadde iyo Cawil, oo ahaa dadkii ugu horreeyey ee madasha yimaadda, waxana loo malaynayey in ay boos celis u yimaaddeen. Si aanay safka hore kuraasta uga waayin. Safafka agtooda ahna waxa inta badan la isku garab fadhiyey si qaab beeleed u yara eg.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la illaabay qudbadihii, waxana si dur dura ah isaga daba hadlay xubno beesha caalamka ah, madax kale ah iyo Madaxweynba yaasha saddexda ah ahaa. Sida aan idiin soo gudbin doonnana waxa ugu dheerayd qudbadda Madaxweyne Muse Bixi oo aad loo sugayey bal waxa uu yidhaa……Laakiin aan idiin hor mariyo Madaxweyne Rayaale oo hadal miisaaman madasha ka yidhi iyo Madaxweyne Siilaanyo oo isna si wanaagsan warqad uga akhriyey qudbaddiisii.

Qudbaddaasi oo aanu soo diyaarsan, warqadna ka akhriyeyn ayaa ahayd mid dhinacyo badan uu taab taabtay. Run ahaantiina, si saraaxad leh ayuu taariikhdii halganka Somaliland uga soo sheekeeyey. Waxana uu ka badheedhay in uu saxo halgankii SNM iyo sababtii ay beelaha darifyadu uga soo hor jeesteen. Ujeeddada SNM na waxa uu ku sheegay in ay ahayd mid lagu ridayey taliskii millatari ee Siyaad Barre, laakiin buu yidhi. ‘ dadka aan taageersanayn loogu tarjumay in ay iyaga la dagaallamayaan, sidaasina ay dadkii kale difaac uga galeen, waanay ku saxsanaayeen in ay is difaacaan.’

Sheekadaa halgankii oo dadka waxgaradka ahi u tarjunteen in ay ahayd farriin uu dadka ajnabiga ah ee caalamka ka socday ku fahamsiinayey, si ay u masaxdo sheekooyinka taban ee laga sheego halgankii SNM.

Hadalka aftahamada leh ee Madaxweyne Muse Bixi ka jeediyey madashii caleema saarka ayaa dad badan ugu muuqatay mid muujinaysa nooca uu Muse yahay amma markhaati ka noqon karta in uu aad uga geddisan yahay madaxdii hore ee dalka soo martay. Dalkana uu ku qaban doono gacan bir ah.

Ayaa ka mid noqon doona dawladdiisa? lama garanayo

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images