Awdalpress – Hargeysa – Madaxweyne Muuse Biixi xil u magacaabay siyaasi ay isku beel hoose yihiin, si uu ugu qanciyo jufadiisa hoose . Taas oo ka dhigaysa tirada Golaha Xukumada Beelaha Jeegaanta 14 Wasiir+Madaxweynaha +Gudoomiyaha Golaha Guurtida+Taliyaha Ciidanka Qaranka +Gudoomiyaha Maxakamada Sare+Janan-xigeenka Booliiska+Taliyaha Sirdonka+Xilal la filaayo iyo iyo iyo…..Maxaa hadhay, Muxuuse quudaraynayaa ama doonayaa Cali Khaliif Galaydh ee Xeedhada ku hadhay ee Beeshiisa lagu qancinayaa Beelaha inta kale yeelkadoode.
Dadka uu cadaawadda u hayo amma uu la dagaallamay ayaan illaa immiga ka dhex muuqan dawladdiisa. Sidoo kale waxa aan sinaba u saxnayn saamiga ay reer Awdal iyo Salal ku leeyihiin xukuumadda Muse Bixi. Taasi oo soo bannaanka soo dhigi doonta, dokomantiyo dhiig leh, oo sannaddo isa soo daba taxnaa.
Halkan ka akhri wareegtada ugu danbaysay ee Kornayl Muuse biixi ku magacaabay Maareeyaha Wasiirka ah:-
Xafiiska Madaxweynaha
Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: Wada-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland





