Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladda Trump oo codka qayaxan ee Veto ga la yidhaa kala hor tagay go’aanka hor dhaca ah ee ay Qarammada midoobay ka qaateen Qudus.

$
0
0

Awdalpress – London – Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday qaraar qabya ahaa oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay la keenay kuna saabsanaa magaalada Qudus.

Qaraarka ayaa ku baaqayay in dib looga laabto go’aankii madaxwayne Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israa’iil.

 

Dhammaan 14 xubnood ee kale ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarkan.

 

Dalalka taageeray qaraarka looga soo horjeedo go’aankii Trump waxaa ka mid ah Britain iyo Faransiiska.

 

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey, Nikki Haley ayaa ku tilmaamtay waxa dhacay in uu yahay aflagaado aan la hilmaami doonin.

 

Falastiiniyiinta iyo taageerayaashooda ayaa rajaynaya in bariga Qudus maalin uun ay noqon doonto caasimada Falastiiniyiinta.

 

Go’aankii madaxwayne Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ayaa waxa ka dhashay cadho gaar ahaan dalalka Islamku u qaadeen.

Source BBC Somali
Awdalpress

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images