Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Janaral Abdi Qaybdiid Cawaale oo gurigiisii xoog lagu galay. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

 

Burbur loo gaystay guriga Cabdi Qaybdiid

Xilliga weerarku uu dhacay, Mudane Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.

Xildhibaan Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

Barta Twitterka ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas, ayadoo ‘ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono’.

Sawirro laga soo qaaday guriga Sen. Cabdi Qaybdiid ayaa muujinaya burbur loo gaystay agabkii guriga yiillay.

 

 

Tix raac BBC iyo Hiiraan.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images