Awdalpress – London – Maalintii hore ee uu Madaxweyne Muse Biixi bannaanka keenay shakhsiyaadka uu u magacaabay dawladdiisa, waxa ka diday dad u hanweynaa ballan qaadkiisii ahaa in uu wax weyn soo wado, filashada shacabkkuna waxa ay ahayd in uu soo xuli doono hoggoomiyayaal miisaan leh, aqoon leh, magac ama maamuus ku leh Somaliland.
Markii xigtay, waxaba la arkay wasiirradii oo aanay golaha sharci dejinta ee Baarlamanku aanay ansixin oo haddana la wareegay xafiisyadii iyo sirihii wasaaradaha. kadibna, waxaba lagu baraarugay golihii wasiirrada oo tababar loo furay, muddo afar casho ahna lagu xereeyey meel ka baxsan Hargeysa.
Madashii lagu soo khatimayey tababarkaasina, waxa ka hadlay Madaxweynaha isaga oo wasiirada ula dhaqmaya, sidii kuwo aan u baahnayn in qaarkood laba diidaba, golaha sharciga ayaa la idin marinayaa si la idiin ansixiyana marnaba muu odhan.
Madaxweyne Muse waxa uu ballan qaaday in uu si caddaalad ah u soo dhisi doono dawladdiisa, welina caddaaladdii uu ballan qaadayna saami qaybsigii saxda ahaa kama muuqato, waxana uu sameeyey dawlad aan dheelli tirnayn, oo dhinac ka raran.
Haddaba inkasta oo ay deg deg tahay in la sugi waayo waxa dhiman, haddana madaxweynaha waxa laga rabaa in uu dadkiisa dhageysto, talo wadaag la yeesho, wixii ka qaldama uu saxo. Sidaasi oo ah habka keliya ee lagu wada noolaan karo, horumar iyo waxa loo socdana lagu gaadhi karo.
Laakiin Muuse waa lunsan yahay, sida ay immiga wax u socdaan iyo rajadii laga qabayna wax badan ayaa is weydaarsan.
Awdalpress





