Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Somaliland oo laga mamnuucay dabbaal degga sannadka cusub. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Dabbaal degga sannadka cusub ee Miilaadiga ah, oo dunida oo dhan laga soo dhaweynayo, ayaa maanta laga mamnuucay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khalil ayaa amarro ad-adag iyo hanjabaad kagala hor tagey dabbaal degga sannadka cusub ee ka dhacaya caalamka. Si gaar ahna waxa uu u bar tilmaameedsaday dhallinyarada ku nool magaalooyinka Hargeysa iyo Borama.

 

Arrintan oo dhabar jab iyo sumcad xumo ku noqonaysa maamulka cusub ee uu ka madaxda yahay Muuse Biixi ayaa ah mid aad loola yaabay, sababta Sheekha ku kalliftay in uu tallaabadan xag-jirka ah qaadana laga argagaxay.

 

 

Sh. Khalil waxa uu sheegay in ay la dagaallamayaan dhaqan xumada loo keenay dhalin yarada, ee ay sida gaalada iyo Yahuudda u labbisanayaan, u xiiranayaan…..markaa, waa in aan ka digtoonannaa dhaqan xumadaa ayuu Sheekhu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey.

 

Sawirka hoos yaallaa, waa dhalinyaradii oo khasab middi lagaga jarayo timaha dheer ee ay la bexeen….

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images