Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sida taban ee loo tafsiirinayo xidhiidhka maamullada Somalida iyo waddammada Khalijka ee ay gacan saarka leeyihiin oo siyaasiyiin dan lihi xilligan ku tilmaameen masiibo in laga hor tago u baahan. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

Awdalpress – London – Siyaasiga Faarax Macallin ee reer Kenya, ayaa muddaba qaylo dhaan iyo borobogaan xoog leh ku haya Somalia. Waxanu geed gaaban iyo mid dheerba u fadhiistay sidii ay Somalia mar kale dhulka ugu dhici lahayd. Sidoo kale waxa uu aad uga xun yahay xidhiidhka iyo horumarka ay maamullada Somalidu ka sameeyeen diblamaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Haddaba bal nala daawo, sheekadan cusub ee la leeyahay Emerates ka ayaa ka danbeeya fadqalallada Somaliya ka socota iyo sida ay u guud ahaanba waddammada Carabtu ula dagaallamayaan horumarka Somalida amma ay u jecel yihiin dagaal mar waba ka holca Somalida iyo waddammada dariska ah.

Ex-Senotor Farax Macallin marna kama hadlo, xidhiidha dhaqaale amma ganacsi ee dhex mara waddammada Carabta iyo waddammada Kenya, Tanzania ama Ethopia. Waxana la og yahay in waddammada qaniga ah ee Carabtu ay maal-gashiyo iyo ganacsiyo ka wadaan dunida horumartay iyo kuwa soo korayaba. Taasina waxa ay macnaynaysaa in maamullada Somaliduna ay ka mid yihiin kuwa ay la macaamilayaan, qaabka iyo kayfiyadda ay ula macaamilayaanna ay tahay mid waafaqsan shuruucda caalimiga ah.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images