Awdalpress – London – Nin weyn oo loo hanweynaa oo durba la hiifay ayuu noqday Madaxweyne Muse Biixi, waxana isa soo taraya wararka sheegaya in uu ku hongoobay talo uu nin nacas ahi siiyey. Waxana immiga la soo sheegayaa in durba uu walaac iyo walal soo food saaray sidii uu dalka u maamuli lahaa.
Muse Bixi oo ay dadku u haystee nin geesi ah, caddaaladdana ku fiican isla markaana dalka ku hoggaamin kara tubta toosan ee loo baahan yahay, ayaa markii ugu horreyseyba waxa uu soo xushay dawlad qarboosh ah oo dhinac ka raran, isla markaana aan u cuntamin shacabka reer Somaliland. Tallaabadan oo ku timid si deg deg ah, ayaa waxa isla markiiba uu ku tallaabsaday in uu Siminaar u furo, si ay wasiirradiisa qaar u bartaan waxa uu ka doonayo, afar casho ayaana la siinayey casharro ku saabsan habka dawladnimo iyo shaqooyinka wasiirka laga doonayo.
Laakiin weli walaacii waa isa soo tarayaa. Madaxweyne Muse Bixi na waxa durba culays kaga yimid dad badan oo wax garad ah, dadkaasi oo ugu baaqaya in uu kordhiyo wasaaradaha, isla markaana wax ka baddal ku sameeyo wasiirrada uu hawsha u magacaabay.
Ku darsoo waxa dalkii durba ka bilowday dhaqankii Talabaan ka iyo Al shabaab, oo waxa la bilaabay in dhallinyartii timaha laga jaro, loo labbisto sidii xagjirka, lagu dhaqmo dhaqanno aan hore loo aqoon.
Dhinaca kale waxa iyana talo lagu siinayaa in uu falalkaasi joojiyo, sidoo kale wasiirrada uu magacaabay hor geeyo golaha baarlamanka, si uu sharcigu u ansixiyo loolana xisaabtamo mustaqbalka iyo immigaba, taasi oo aanu illaa immiga hor geyn. Sababtana aan la garanayn. Balse la leeyahay…..waxba maahine waa ku khasban yihiin in ay ansixiyaan. Xaajadaasi oo u eg SHARCI KA BOOD amma LA JIIFYAANA BANNAAN.
Isku soo wada duuboo, Muse Bixi ayaa la soo sheegayaa in uu ku khal khalay shaqadiisii, meel uu wax ka soo qabtana uu garan la’yahay. Xanaaq iyo hanjabaad ayaanu maalmahan miciinsadaa.
Madaxweyne dhegeyso talada shacabkaaga, laakiin ha qaadan talada NACASKA.
Awdalpress





