Awdalpress – London – Ninka xilliga ku fadhiya kursiga madaxtooyada Somaliland ( Waa Muse Bixi Abdiye ) ayaa kulan u qabtay wasiirradiisa itaalka daran, aqoonta daran ee uu u isticmaalayo sida shaqaale uu iska leeyahay.
Muse Bixi ayaa sida caadadiisa ah shirkaa ka jeediyey qudbad dheer oo isugu jirta bahdilaad, faan, canaan iyo calool xumo. Waxana uu isla madashii ku magacaabay guddi ka shaqayn doonta sidii ay dhaqaalaha dalka u hoos keeni lahaayeen, Dollarka magaalada uga soo ururin lahaayeen, saxaafaddana ula dagaallami lahaayeen iyo Bahasha qabyaaladda la yidhaana isaga mooyaane uga mamnuuci lahaayeen shacabka reer Somaliland. Waxana shirkii lagu soo gaba gabeeyey sacab iyo heestii Guulwade Muse Bixi.
Awdalpress






