Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Siyaasaddii Somaliland ee Muse Bixi hoggaaminayey oo ay hor taallo laba daran mid dooro.

$
0
0

Siyaasadda Somaliland ee gudo iyo dibadba leh marka aad hoos u eegto, waxa kuu muuqanaya in muddooyinkan danbe mad-madaw hadheeyey, intii Somaliland soo jirtayna ay marayso meeshii ugu darrayd.

 

 

Socdaallada Muse Biixi uu ugu kala baxay Djabouti iyo Ethopia….iyo sidoo kale wafdigii Dubai ka socday ayaa dhammaantoodba bannaanka keenay siyaasaddii dhuumaalaysiga ku jirtay ee uu Ahmed Siilaanyo kolba dhinac uga leexanayey. Heshiisyadana kula galayey dawladaha jaarka. Nasiib darrana dhaxalka u noqotay Muse Biixi.

 

 

Muse Biixi oo xillagan wajahay mucaarid adag oo bari iyo galbeed kaga furan, ayey ugu biirtay sidii uu u wajihi lahaa siyaasadda dhaqan dhaqaale ee gobolka geeska Afrika amma bariga dhexe, sida dalalka dawladaha Carabta, Ethopia, Dajbouti, Eritrea, Masar, Somalia, Turkey iyo Kenya oo ah waddammo uu loollan adagi ka dhexeeyo. Waddamadaasi oo aanay ka maqnayn dawladaha waaweyn ee Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Ruushka iyo China. Oo iyaguna dano ka leh xeebaha iyo dhulka Somaliland.

 

 

Mushkiladda ugu weynina waxa ay ka dhacaysaa dekedda Berbera ee ay dawladdii Ahmed Siilaanyo heshiiska la gashay Emeratka, si ay u horumariyaan dekedda, sidoo kale waxa heshiiskaa ku jiray in UAE ay Saldhig Melatari ka samaysato Berbera.

 

 

Heshiiskaasi oo aanay markii hore dawladda Ethopia waxba ka qabin, ayaa immiga ula egaaday mid ay isticmaali karaan dawlado kale oo aan heshiiska ku jirin sida Masar, oo la sheegayo in saldhig laga siiyey Eritrea. Arrintaasi oo loo sibir saarayo daamka weyn ee ay Ethopia ka samaysay dhulkii ay biyuhu uga iman jireen webiga NIL oo muran ka dhex abuuray Masar iyo Ethopia.

 

 

 

Somaliland oo ah waddan yar oo aan weli dunida ictiraaf ka helin,  oo maamulkiisuna aad u tabar yar, dhinaca dhaqaalahana ku xidhan xoolaha iyo ganacsiga ay la leeyihiin Carabta, gaar ahaan Dubai iyo Sacuudiga, isla markaana aanay ka maarmi karin xidhiidhkaa soo jireenka ah. Ayaa waxa dhinaca kale taagan Ethopia oo ay Somaliland ugu tiirsan tahay dhaqaale ahaan iyo amni ahaan. Sidoo kalana Somaliland iyo Ethopia waxa ay wadaagaan xuduud dheer iyo xidhiidh dhaqan dhaqaale. Abaal badanna waa ay kala tirsadaan shacabka reer Somaliland iyo ka Ethopia. Laakiin immiga waxa ay u eg tahay in is aamminkii hore u jiray ee xoogga badnaa uu yaraaday. Mar haddii aanay siyaasadda Somaliland lahayn mawqif cad amma aanay si toos ah u taageeri karin danaha Ethopia.

 

 

 

Sababaha ay siyaasadda Somaliland iyo siyaasadda Ethopia u kala weecan karaan,  ayaa noqon karta mid diin ahaaneed  iyo ka dhaqaale ee ay sida xoogga leh ugu tiirsan yihiin Carabta. Taasi oo ay Ethopia og tahay. Balse aanay raalli ka noqonaynin in ay arrintu sidaa noqoto. Somalilandna kama maaranto xidhiidhka Ethopia iyo Carabta midna. Sidaasi daraaddeed, xaalka siyaasadeed ee Somaliland maanta waxa uu taagan yahay laba daran mid dooro.

 

 

Siyaasadda gudaha ee Muse Bixi ayaa iyana abuurtay mucaarid aad u adag oo dibad iyo gudaba ku sii xoogaysana, sababna waxa looga dhigayaa dawladdiisa uu magacaabay, oo u muuqata mid aar-goosi ama cadaawadi weheliso. Ee uu ku faquuqay shucuub fara badan oo milgo iyo karaamo ku leh Somaliland. Sidaasi daraaddeed, ayaa waxa maalinba maalinta ka danbaysa ka sii fogaanaya, haldoor iyo wax garad wax badan kala qaban lahaa dabaylaha siyaasadeed ee gudo iyo dibadba kaga furmay Somaliland.

 

 

 

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images