Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal qadhaadh oo dhimasho badan iyo dhaawacba keenay ayaa beelaha Biciido iyo Sacad Yonis ku dhex maray degaanka Dararweyne.

$
0
0

Awdapress – London – Wararka ka imanaya jiidaha bariga ee uu dagaalku ka dhex qarxay labada beelood ee Sacad Yonis ( Habar Yoonis ) iyo beesha Biciido ( Habar Jeclo ), ayaa la sheegayaa in uu dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.  Goor dhaweydna waxa ciidanka Somaliland u suurta galay in ay labada dhinac kala dhex galaan.

 

 

Dagaalka ayaa waxa la sheegay inuu ka bilaabmay markii dablay hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Biciide Rasaas huwiyeen maqaaxi Shaaha laga cabo oo ay ka shaahanayeen rag doora oo ka soo jeeda Beesha Sacad yoonis.

 

 

 

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu daba ku hayo siyaasadda Somaliland ee xilligan lagu kala qaybsan yahay. Maalmihii la soo dhaafayna waxa afka furtay oday dhaqameedyada ka soo kala jeeda beelaha la baxay Jeegaanta iyo beelaha Garxajis.  Waxana ay saxaafadda isku mariyeen hadallo xaf leh, oo aad u kiciyey shucuubta labada dhinac. Iyaga oo isugu faanaya in ay awooddii dalka Somaliland ku kala badiyeen, halka ay qaarna ku doodayaan in la is boobay ama la iska bahaystay.

 

 

Muse Bixi oo arrintaasi ka hadlayna waxa uu hoosta ka xarriiqay, in ay odayada dhaqanku faraha kala baxaan siyaasadda. ‘ Waa in siyaasadda looga danbeeyaa dawladda iyo xisbiyada mucaaridka. Annagu waxa aan talo iyo sixid ka sugaynaa madaxda xisbiyada mucaaridka. Oday dhaqameedyadu iyo wadaaddadu waa in ay ku egaadaan shaqadooda’ ayuu ku tiraabay mar uu la hadlayey saxaafadda. Laakiin dad badan ayaa u arka in hadalkaasi yahay mid aan run ahay oo jees jees ah, maaddaama aanay arkayn xisbiyo mucaarid ah oo awood leh.  Xilliganna u muuqda xisbiyo uu Muse Bixi ka badiyey oo bilaa tamar ah, una afduuban isaga.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Somaliland ayaan xilligan midaysnayn. Waxana ay beelo badani aamminsan yihiin in dib loogu noqdo sidii wax loo wada yeelan lahaa. Sidoo kale Muse Bixi uma arkaan in uu yahay madaxweyne dhex u noqon kara Somaliland. Maaddaama uu la safan yahay reeraha qaar, halka uu reeraha qaarna iska fogeeyey amma uu calool xumo u hayo.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images