Xogo laga helay ganacsato carab ah iyo warfidiyeenno wax ka qaro arrimaha ganacsiga ee dawladaha Carabta ayaa sheegaya, in xukuumadda cusub ee Muse Bixi ay qaadday tallaabooyin liddi ku ah heshiisyadii ay la gashay qaar ka mid ah waddammada Khaliijka ee ay gacan saarka leeyihiin Saudi Arabia, sidaasi daraaddeedna uu xidhiidhkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyey Somaliland iyo waddammada Khaliijka shaki weyni galay. Ugu horreyna waxa la joojin doonaa xidhiidhkii ganacsi ee ka dhexeeyey Somaliland iyo dalal badan oo carab ah. Waxana ay hoosta ka xarriiqeen xoolaha laga dhoofiyo Berber, oo ay yidhaahdeen muddaba way xidhnaayeen ganacsigii xoolahaasi, oo laga shikiyey in ay xoolaha Barbera laga soo dhoofiyaa caafimaad ahaan u liitaan.
Dhinaca kale waxa ay dalka Qatar iyo Somaliland heshiis qarsoodi ah ku gaadheen in 15000 oo askari ay Qatar ka qorato Somaliland. Waana la fuliyey, oo reero hoose ayaa laga qortay askartaasi, si loo qariyo sirta ka danbaysa. Gobolka Awdal, Burco, Ceeri-gaabo iyo Salal la hal askari lagagama soo darin. Sacuudiga iyo xulafadiisuna arrintaa way ka warqabtaa, waxana warar badan oo askartaa ku saabasan lagu soo qoray joornaallo ka soo baxa waddammo Carab ah.
Jamhuuriyadda Djabouti oo ah dal yeeshay dakado waaweyn oo caalami ah iyo marsada Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo ayaana dawladda Sacuudigu isha ku haysaa. Waxase ay aad u jeclaayeen in Berbera oo kaabiga u saaran ay la macaamisho.
Awdalpress




